• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Taliye Shub oo faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii Doolow

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 days ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Taliye Shub oo faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii Doolow
Share

Wararka24: Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii 3-dii Sebtembar lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah.

Wareysi uu siiyay Geed-Fadhi ayuu Shub ku sheegay in diyaaradda uu ku arkay xilli habeen ah iyadoo dul heehaabaysa gurigiisa, kadibna ay laba gantaal ku dhufteen dhismaha. Wuxuu sheegay in gantaalladu ay burbur gaarsiiyeen qayb ka mid ah guriga, balse uu isaga ka badbaaday weerarka.

Shub ayaa sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray firirka qaraxa, isaga oo tilmaamay in markii weerarku dhacay uu si degdeg ah uga baxay guriga, kadibna uu lug ku tegay Isbitaalka Guud ee Doolow. Wuxuu sheegay in halkaas lagu daweeyay, isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay hadda soo hagaagtay.

Taliyihii hore ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shakisan yahay nin horey u ahaa darawalkiisa, kaas oo uu sheegay in markii hore Muqdisho loo diray kadib markii uu ka shakiyay dhaq-dhaqaaqyadiisa. Sida uu sheegay, ninka ayaa markii dambe dib ugu soo laabtay Doolow, waxaana uu sheegay in hadda la xiray oo baaritaan lagu hayo.

Shub wuxuu sheegay in ninkaasi uu marar badan taleefan kula hadli jiray dad kale, isla markaana uu arkay isagoo si hoose u hadlaya. Wuxuu intaas ku daray in markii weerarku dhacay kadib uu guddoomiyaha degmada Doolow qabtay ninka, isla markaana laga qaaday qorigii uu watay.

Waxaa kale oo uu sheegay in shaqaale dhisme oo guriga dayactirayay ay u sheegeen in ninkaasi uu sawirro ka qaaday guriga dhinacyadiisa. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqaale kale oo guriga joogtay ay hal habeen aragtay ninka oo qol ku dhex qoraya waxyaabo, taasoo uu ku sheegay inay ka mid tahay waxyaabihii shaki geliyay.

Eedeymaha Shub ayaa kusoo beegmaya iyadoo cidda ka dambeysay weerarka Doolow ay weli tahay arrin muran ka taagan yahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u diidday inay ku lug lahayd weerarka, halka dhinacyo siyaasadeed iyo maamulka Jubaland ay horey u jeediyeen eedeymo la xiriira in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga loo adeegsaday weerarka.

Dhanka kale, 8-dii Sebtembar waxaa Doolow lagu xiray nin lagu magacaabo Macalimeey, kaas oo ilo wareedyo ay sheegeen in looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay qaraxii guriga Shub. Saraakiisha gacanta ku haysay ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameynayay taleefannadiisa iyo dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyay ka hor iyo kadib weerarka.

Weerarka Doolow ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, iyadoo dhacdadan ay dhalisay eedeymo iyo warar is-khilaafsan oo ku saabsan cidda ka dambeysay iyo ujeeddada laga lahaa.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.