Wararka24: Allaha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Baydhaba ku geeriyooday wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka howlgasha magaalada, kaddib markii uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii 3-dii Sebtembar ka dhacay Baydhaba.
Bashiir ayaa dhaawac kasoo gaaray intii uu socday dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanno la safan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Ilo wareedyo ayaa sheegay in wariyaha uu dhaawaca soo gaaray xilli uu magaalada ka socday iska horimaad hubeysan.
Xaaladda caafimaad ee wariyaha ayaa kasii dartay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday Baydhaba. Wararka laga helayo dhacdada ayaa sheegaya in dhaawaca ay gaarsiiyeen maleeshiyaad hubeysan, balse faahfaahinta iyo cidda sida tooska ah uga dambeysay dhaawaciisa si madax-bannaan looma xaqiijin.
Marxuum Bashiir wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Arlaadi, oo ku hadasha afka Maayga, taas oo ka howlgasha gudaha Koonfur Galbeed. Maamulka warbaahinta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta marxuumka, iyagoo sheegay inay la qeybsanayaan murugada geerida wariyaha.
Dagaalladii ka dhacay Baydhaba ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo dadka rayidka ah ay kamid yihiin dadka sida weyn u saameeyay iska horimaadyada. Magaalada ayaa sidoo kale wajahday barakac cusub, iyadoo qoysas badan ay ka carareen xaafado ay ka cabsi qabeen in dagaal kale uu ka qarxo.
Xaaladda amni ee Baydhaba ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ee isku haya magaalada lagu soo warramayo inay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka. Isu-uruursiga ciidamada ayaa cabsi hor leh ku abuuray shacabka, gaar ahaan dadka weli ku sugan goobaha ay xiisaddu ka jirto.
Geerida wariye Bashiir ayaa mar kale soo bandhigtay khatarta ay saxafiyiintu wajahaan marka ay ka howlgalaan goobaha colaadaha, iyadoo dagaallada Baydhaba ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo badqabka shacabka iyo shaqaalaha warbaahinta







