• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo galay marxalad cusub

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo galay marxalad cusub
Share

Wararka24: Xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa galay marxalad cusub oo muujinaysa isu soo dhawaansho dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhaqaalaha, kadib tallaabooyin isdaba joog ah oo ay qaadeen labada dal bilihii la soo dhaafay.

Isbeddelkan ayaa si gaar ah uga muuqday mowqifka cad ee Riyadh ee ku saabsan taageerada midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale heshiisyo cusub oo dhinaca difaaca iyo gaadiidka badda ah oo ay kala saxiixdeen labada dowladood.

9-kii Febraayo, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Sacuudiga Amiir Khalid bin Salman ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday is-afgarad milatari oo la xiriira tababar, taageero farsamo iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga.

Wax yar kadib, labada dhinac ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis la xiriira gaadiidka badda iyo horumarinta dekedaha, kaas oo lagu doonayo in lagu kordhiyo isku socodka ganacsiga iyo rakaabka, isla markaana kor loogu qaado doorka dekedaha Soomaaliya ee ganacsiga gobolka.

Dhanka diblomaasiyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sidoo kale si rasmi ah u aqbashay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya boqortooyada, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, taas oo muujinaysa dib u soo celinta xiriir toos ah oo heer sare ah oo u dhexeeya labada dowladood.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa xiriirkan cusub u arka mid muhiim u ah xoojinta awoodda ciidamada dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada gobolka ee la dagaallanka kooxaha hubeysan.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.