Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xildhibaan hore oo wiilkiisu ku dilay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay aabbihii oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bootaan, kana tirsanaa xildhibaannadii hore ee maamulka Puntland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 19, 2026, 3:39 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaan hore oo wiilkiisu ku dilay magaalada Boosaaso
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay aabbihii oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bootaan, kana tirsanaa xildhibaannadii hore ee maamulka Puntland.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Al-Aqsa ee magaalada Boosaaso, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu aabbihii ku weeraray toorey, taas oo sababtay geeridiisa.

Dadka deegaanka iyo goob-joogayaal ayaa sheegay in dhacdadan ay argagax weyn ku abuurtay shacabka magaalada, maadaama marxuumka uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta falka uu ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen wiilka lagu eedeeyay dilka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in eedeysanaha uu muddo la noolaa xaalad la xiriirta caafimaadka dhimirka, inkastoo aan weli jirin war rasmi ah oo arrintaasi kasoo baxay hay’adaha caafimaadka ama laamaha ammaanka Puntland.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, balse waxaa socda baaritaanno ku saabsan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkan iyo xaaladda maskaxeed ee eedeysanaha. Sidoo kale, waxaa la filayaa in hay’adaha amniga ay faahfaahin dheeraad ah kasoo saaraan baaritaanka maalmaha soo socda.

Muddooyinkii dambe deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, waxaa mararka qaar ka dhacayay falal amni darro oo isugu jira dilal iyo dhaawacyo, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka ku dhaqan halkaasi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

18 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

19 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.