• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xildhibaan hore oo wiilkiisu ku dilay magaalada Boosaaso

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaan hore oo wiilkiisu ku dilay magaalada Boosaaso
Share

Wararka24: Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil dhalinyaro ah uu dilay aabbihii oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bootaan, kana tirsanaa xildhibaannadii hore ee maamulka Puntland.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Al-Aqsa ee magaalada Boosaaso, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu aabbihii ku weeraray toorey, taas oo sababtay geeridiisa.

Dadka deegaanka iyo goob-joogayaal ayaa sheegay in dhacdadan ay argagax weyn ku abuurtay shacabka magaalada, maadaama marxuumka uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta falka uu ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen wiilka lagu eedeeyay dilka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in eedeysanaha uu muddo la noolaa xaalad la xiriirta caafimaadka dhimirka, inkastoo aan weli jirin war rasmi ah oo arrintaasi kasoo baxay hay’adaha caafimaadka ama laamaha ammaanka Puntland.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, balse waxaa socda baaritaanno ku saabsan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkan iyo xaaladda maskaxeed ee eedeysanaha. Sidoo kale, waxaa la filayaa in hay’adaha amniga ay faahfaahin dheeraad ah kasoo saaraan baaritaanka maalmaha soo socda.

Muddooyinkii dambe deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, waxaa mararka qaar ka dhacayay falal amni darro oo isugu jira dilal iyo dhaawacyo, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka ku dhaqan halkaasi.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.