• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xildhibaan Fardowsa Cigaal oo iska casishay xisbiga Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaan Fardowsa Cigaal oo iska casishay xisbiga Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Xildhibaanad Fardowsa Cismaan Cigaal oo horey u soo noqotay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Moxamud.

Fardowsa ayaa sidoo kale ka degtay xilkii Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee xisbiga, iyadoo warsaxaafadeed kooban ku xaqiijisay go’aankeeda. Waxay sheegtay inay si rasmi ah uga baxday xisbiga, balse ma aysan shaacin sababaha rasmiga ah ee ku kallifay tallaabadan.

Is-casilaadda xildhibaanadda ayaa kusoo aadeysa xilli xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu wado abaabul siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Fardowsa ayaa noqotay mas’uulkii ugu dambeeyay ee ka baxa xisbiga, kadib markii siyaasiyiin kale ay horay uga tageen. Waxaa kamid ah Abdirahman Odowaa, oo dhawaan ku biiray safka mucaaradka dowladda federaalka.

Go’aankan ayaa si weyn hadal-heyn uga dhex abuuray bulshada iyo siyaasiyiinta, gaar ahaan maadaama deegaan doorashadeedu yahay Puntland, oo kamid ah maamullada siyaasadda adag ka leh xaaladda doorashooyinka dalka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in is-casilaaddan ay muujin karto kala aragti duwanaansho sii kordhaya oo ka dhex jira xisbiga talada haya, xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.