Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan cid Soomaali ah u hayn colaad, isagoo xusay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira aysan ku salaysnayn deegaan, qabiil ama shaqsi. Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay ka hortagto cid kasta oo isku dayda inay dhiig daadiso ama khalkhal geliso amniga iyo midnimada Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada dowladda aysan ahayn inay dhiig daadiso ama colaad ka dhex abuurto bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay hadallo iyo dhaq-dhaqaaqyo uu sheegay inay kicin karaan shacabka, isla markaana dib u soo noolayn kara dhaawacyadii iyo colaadaha hore uga dhacay dalka. Wuxuu ku baaqay in khilaafaadka jira lagu wajaho siyaasad iyo wada hadal, halkii loo adeegsan lahaa hadallo sii kordhin kara xiisadda.
“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay dowladda u hayso wanaag, waxtar, sharaf iyo karaamo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in waajibka ugu horreeya ee dowladda Federaalka uu yahay ilaalinta sharciga, midnimada dalka iyo in Soomaaliya ay hal dhinac u wada socoto. Wuxuu xusay in dowladda iyo hay’adaha kala duwan ay ka shaqeynayaan sidii loo ilaalin lahaa arrimahaas.
Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay walaac ka muujisay qorshayaal ay sheegtay inay dowladda Federaalka ka waddo magaalada Gaalkacyo. Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku saabsanaa arrimo siyaasadeed, dastuur iyo maamulka awoodaha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta uu xor u yahay fikirkiisa iyo hadalkiisa, balse uu muhiim yahay in laga fogaado hadallo uu ku tilmaamay kuwo dadka kicinaya ama dib u xoqaya boogihii hore ee bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo maslaxadda guud, isagoo sheegay in dowladda ay waajib ku tahay inay ka hortagto tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo xasilloonida dalka.







