Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda aysan cid Soomaali ah colaad u hayn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan cid Soomaali ah u hayn colaad, isagoo xusay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira aysan ku salaysnayn deegaan, qabiil ama shaqsi. Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 14, 2026, 4:54 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda aysan cid Soomaali ah colaad u hayn
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan cid Soomaali ah u hayn colaad, isagoo xusay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira aysan ku salaysnayn deegaan, qabiil ama shaqsi. Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay ka hortagto cid kasta oo isku dayda inay dhiig daadiso ama khalkhal geliso amniga iyo midnimada Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada dowladda aysan ahayn inay dhiig daadiso ama colaad ka dhex abuurto bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay hadallo iyo dhaq-dhaqaaqyo uu sheegay inay kicin karaan shacabka, isla markaana dib u soo noolayn kara dhaawacyadii iyo colaadaha hore uga dhacay dalka. Wuxuu ku baaqay in khilaafaadka jira lagu wajaho siyaasad iyo wada hadal, halkii loo adeegsan lahaa hadallo sii kordhin kara xiisadda.

“Ma jiro qof Soomaali ah oo ay dowladda iyo mas’uuliyiinteedu colaad u hayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay dowladda u hayso wanaag, waxtar, sharaf iyo karaamo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waajibka ugu horreeya ee dowladda Federaalka uu yahay ilaalinta sharciga, midnimada dalka iyo in Soomaaliya ay hal dhinac u wada socoto. Wuxuu xusay in dowladda iyo hay’adaha kala duwan ay ka shaqeynayaan sidii loo ilaalin lahaa arrimahaas.

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay walaac ka muujisay qorshayaal ay sheegtay inay dowladda Federaalka ka waddo magaalada Gaalkacyo. Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku saabsanaa arrimo siyaasadeed, dastuur iyo maamulka awoodaha dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta uu xor u yahay fikirkiisa iyo hadalkiisa, balse uu muhiim yahay in laga fogaado hadallo uu ku tilmaamay kuwo dadka kicinaya ama dib u xoqaya boogihii hore ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo maslaxadda guud, isagoo sheegay in dowladda ay waajib ku tahay inay ka hortagto tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo xasilloonida dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.