• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh Oo Gaadhay Addis Abab, lana yeeshay kulan miro-dhal ah Abiy Axmed+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh Oo Gaadhay Addis Abab, lana yeeshay kulan miro-dhal ah Abiy Axmed+sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira amniga gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinka ka dhacay Itoobiya, isagoo u rajeeyay sii socoshada dadaallada lagu horumarinayo dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha ee Itoobiya ayaa kusoo beegmaya kadib booqasho uu hore ugu tagay Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb galay munaasabadda xuska 49-guurada xornimada dalkaasi.

Toddobaadkii hore ayuu sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku tegay Kenya, isagoo magaalada Narok kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.

Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo taageera dadaallada lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Kulamadan diblomaasiyadeed ayaa imanaya xilli ay dalka ka jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.