Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh Oo Gaadhay Addis Abab, lana yeeshay kulan miro-dhal ah Abiy Axmed+sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira amniga gobolka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 29, 2026, 5:23 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh Oo Gaadhay Addis Abab, lana yeeshay kulan miro-dhal ah Abiy Axmed+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira amniga gobolka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka gaaray doorashooyinka ka dhacay Itoobiya, isagoo u rajeeyay sii socoshada dadaallada lagu horumarinayo dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha ee Itoobiya ayaa kusoo beegmaya kadib booqasho uu hore ugu tagay Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb galay munaasabadda xuska 49-guurada xornimada dalkaasi.

Toddobaadkii hore ayuu sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku tegay Kenya, isagoo magaalada Narok kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.

Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo taageera dadaallada lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Kulamadan diblomaasiyadeed ayaa imanaya xilli ay dalka ka jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

4 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

4 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.