Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta booqasho ku tagay safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Amiirkii hore ee dalka Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, dowladda iyo shacabka Qatar, isagoo sheegay in Soomaaliya ay la qeybsaneyso murugada geerida hoggaamiyihii hore ee dalkaas. Wuxuu xusay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal uu saldhig u yahay garab istaagga ay Soomaaliya u muujisay Qatar.
Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u qadarinayaan doorka Dowladda Qatar ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal. Wuxuu Alle uga baryay marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani inuu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo Amiirka Qatar, qoyska Al Thani iyo shacabka dalkaas.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aadaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday baroor-diiq qaran, iyadoo la fulinayo amar uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sida amarkaasi dhigayo, calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigay si loo muujiyo garab istaag iyo murugo la wadaag loo hayo dowladda iyo shacabka Qatar.
Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani ayaa hoggaaminayay Qatar intii u dhexeysay 1995 ilaa 2013, waxaana lagu xusuustaa isbeddelladii waaweynaa ee dalkaas ka hirgalay muddadii uu xilka hayay. Sannadkii 2013 ayuu si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, oo weli ah hoggaamiyaha Qatar.























