Wararka24: Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ayaa maanta ka bilowday deegaanno ka tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, iyadoo shacabka ay saaka u dareereen goobaha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada qof iyo codka ah.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in codbixintu si rasmi ah uga furantay 10 degmo oo HirShabeelle ah iyo 11 degmo oo Galmudug ah. Goobaha codbixinta ayaa la geeyay shaqaalaha guddiga iyo ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo habsami u socodka doorashada.
Doorashada Galmudug ayaa ah ku-celis lagu qabanayo kaddib markii natiijadii doorashadii hore la buriyay, halka HirShabeelle ay markii ugu horreysay ka qeyb qaadaneyso doorasho toos ah oo shacabka ay codkooda ku dooranayaan wakiillada iyo xubnaha goleyaasha deegaanka. Doorashooyinkan ayaa qeyb ka ah hannaanka dalka loogu gudbinayo nidaamka qof iyo cod.
Goobaha codbixinta ayaa laga dareemayaa safaf iyo isu-socodka dadweynaha, iyadoo guddiga doorashooyinku uu ku baaqay in codbixiyeyaashu ay si nabad ah uga qeyb qaataan hannaanka. Ammaanka ayaa sidoo kale la adkeeyay si looga hortago wax kasta oo carqalad ku keeni kara howsha doorashada.
Magaalada Beledweyne ayaa kamid ah meelaha si gaar ah isha loogu hayo, maadaama ay hore uga jireen xiisado siyaasadeed iyo amni. Tallaabooyinka amni ee laga qaaday goobaha codbixinta ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu ilaalinayo dadka iyo shaqaalaha doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in doorashadu ay u socoto si habsami leh, iyadoo ururrada siyaasadeed iyo musharraxiintu ay ku tartamayaan kuraasta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka. Natiijada kama dambaysta ah ayaa la sugayaa kaddib marka la soo gabagabeeyo codbixinta, tirinta iyo xaqiijinta codadka.
Doorashooyinka maanta ka dhacaya Galmudug iyo HirShabeelle ayaa noqonaya marxalad kale oo muhiim u ah ballaarinta doorashooyinka tooska ah ee Soomaaliya, iyadoo natiijooyinka iyo habka loo maareeyo marxaladaha xiga ay si weyn isha ugu hayaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.









