Washington – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu taageeray soo jeedin uu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Tony Blair, oo ku saabsan qorshaha mustaqbalka Marinka Gaza dagaalka kadib.
Soo jeedinta Blair ayaa ku salaysan in marka hore dagaalka la joojiyo, kooxda Xamaasna hubka laga dhigo, kadibna la geeyo ciidamo caalami ah iyo kuwa dalalka Carabta, si halkaasi looga dhiso nabad aan khatar ku ahayn amniga Israel.
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale diiday qorshayaal lagu barakicinayo dadka reer Falastiin si khasab ah, isagoo muujiyay in xal nabadeed uu yahay dariiqa keliya ee lagu xasillin karo gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, falalka Israel ee gudaha Gaza ayaa muujinaya sawir ka duwan hadallada rasmiga ah, waxaana weli taagan walaaca ku saabsan jihada siyaasadda Mareykanka ee arrintan, taas oo sii kordhisay shaki ku saabsan doorka Washington.