• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland oo si adag uga jawaabtay cambaareynta Iiraan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Somaliland oo si adag uga jawaabtay cambaareynta Iiraan
Share

Wararka24: Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay cambaareyn ka timid Iiraan oo la xiriirta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay in Somaliland ay tahay maamul dimuqraadi ah oo xaq u leh inuu si madax-bannaan u go’aansado siyaasaddiisa arrimaha dibadda. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil uusan ahayn mid la wiiqi karo.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda Iiraan Ismaaciil Baqa’i ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo xasilloonida gobolka, isla markaana ay khatar ku tahay dalalka Islaamka.

Wuxuu sidoo kale xusay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isaga oo ku dooday in tallaabada Israa’iil ay ka hor imaanayso shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa muujinaysa is-maandhaaf diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo la xiriira xidhiidhka sii kordhaya ee Somaliland iyo Israa’iil, iyo jawaabaha kala duwan ee ka imanaya dalalka gobolka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.