• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Thursday, October 8, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland oo Itoobiya u muujisay taageero ku aaddan helitaanka marin-badeed

Abdullahi salad olow by Abdullahi salad olow
4 days ago
Reading Time: 3 mins read
Somaliland oo Itoobiya u muujisay taageero ku aaddan helitaanka marin-badeed
Share

Wararka24: Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay si joogto ah u taageertay heshiisyo lagu siinayo Itoobiya marin ay uga hesho badda, iyadoo ku tilmaantay iskaashiga noocaas ah mid lagu gaari karo dan wadaag iyo horumar goboleed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 3-dii October 2026 ku sheegtay inay taageersan tahay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo Itoobiya siinaya marin badeed, iyadoo lagu saleeyo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024 uu ka hor imaanayo taageerada ay Muqdisho hadda sheegtay inay u hayso in Itoobiya hesho marin badeed.

“Dowladda Somaliland waxay si joogto ah u taageertay heshiisyo gorgortan lagu gaaro oo u oggolaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin badeed iyada oo loo marayo iskaashi labada dhinacba faa’iido u leh,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Somaliland ayaa intaas ku dartay inay diiddan tahay faragelin lagu sameeyo heshiisyada ay la gasho dhinacyada kale, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto iskaashiyada ay ku tilmaantay kuwo ixtiraamaya madax-bannaanida isla markaana horumarinaya barwaaqada gobolka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya hesho marin badeed. Wareysi uu siiyay Al Jazeera ayuu ku sheegay in Itoobiya ay isticmaali karto dekedaha Soomaaliya si ganacsi ah, haddii arrintaasi lagu heshiiyo labada dowladood.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in Itoobiya loo oggolaado isticmaalka laba ama saddex dekedood oo Soomaaliya ah, iyadoo heshiisyo dhaqaale lagu qeexi karo khidmadaha iyo shuruudaha isticmaalka. Si kastaba, ma uusan magacaabin dekedaha ay arrintu khuseyn karto, mana jirto heshiis kama dambeys ah oo arrintaas lagu dhawaaqay.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa January 2024 kala saxiixday is-afgarad ku saabsan marin badeed, kaas oo Soomaaliya si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed. Xiisaddii ka dhalatay is-afgaradkaas ayaa markii dambe qayb ka noqotay wadahadalladii horseeday Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen December 2024.

Baaqa Ankara wuxuu dhigayaa in labada dhinac ay ka shaqeeyaan heshiisyo ganacsi oo Itoobiya siinaya marin badeed la isku halleyn karo, iyadoo nidaamkaasi uu ku shaqeynayo awoodda madaxbannaan ee Soomaaliya. Ilaa hadda lama shaacin heshiis kama dambeys ah oo qeexaya dekedda ama waddada Itoobiya isticmaali doonto.


Share

Recommended

Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, qorsheynayana inuu ka qaada cunaqabateynta

Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, qorsheynayana inuu ka qaada cunaqabateynta

5 months ago
Ciidamada Puntland oo hub iyo saanad ciidan kasoo furtay Daacish

Ciidamada Puntland oo hub iyo saanad ciidan kasoo furtay Daacish

3 months ago
Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

7 months ago
Cabdiraxmaan Cirro oo toddobaadka soo socda booqasho ku tagaya Israel

Cabdiraxmaan Cirro oo toddobaadka soo socda booqasho ku tagaya Israel

4 months ago
Turkiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Turkiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

4 months ago
Iiraan oo ka jawaabtay hanjabaado ka dhan ah Mojtaba Khamenei

Iiraan oo ka jawaabtay hanjabaado ka dhan ah Mojtaba Khamenei

3 months ago
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo iska fogeeyay inuu joojiyay…..

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo iska fogeeyay inuu joojiyay…..

8 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.