Beijing, Sept 30, 2025 (Wararka24) – Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Arrimaha Miyiga ee Shiinaha ayaa lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii maxkamad lagu caddeeyay oo ay ku heshay danbi ah in uu musuqmaasuqay lacag ku dhow 38 milyan oo doollar muddo 17 sano ah.
Lacagtaas ayaa loogu talagalay horumarinta beeraha iyo bulshada reer miyiga, balse si shakhsi ah ayuu ugu faa’iideystay, sida ay sheegeen hay’adaha garsoorka.
Go’aankan ayaa qeyb ka ah ololaha ballaaran ee Madaxweyne Xi Jinping ku bartilmaameedsanayo musuqmaasuqa,
kaas oo lagu sheegay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hortaagan horumarka Shiinaha. Ololahan ayaa inta badan lagu wajahaa saraakiil sar sare iyo madaxdi hore oo lagu eedeeyay ku tagrifalka awoodda iyo hantida shacabka.
Xukunka dilka ah ee lagu riday wasiirka hore ayaa si weyn looga hadlay gudaha Shiinaha iyo caalamka,
waxaana lagu tilmaamay fariin adag oo dowladda Shiinaha u direyso dhammaan masuuliyiinta ku lug leh musuqmaasuqa.
Su’aasha in aan isweydina ah ayaa ah Soomaaliya marba suuragal matahay in mar un madaxda iyo saraakiisha Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa la maxkamadeeyo, lana marsiiyo cadaalad si la mid ah tan Shiinaha?