Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu kasoo kabanayo tobannaan sano oo amni darro iyo qalalaase siyaasadeed ah, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalmaha Eid al-Adha, isaga oo sheegay in Muqdisho ay maanta ka duwan tahay xilligii ay caasimaddu wajahayeen qaraxyo joogto ah iyo dilal qorsheysan oo ay fulin jireen kooxda Al-Shabaab.
“Bulshada Soomaaliyeed waxay maanta si nabad ah ula dabaaldegayaan farxadda Ciidda, iyada oo aysan jirin cabsiihii hore,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhallinyaro badan ay naftooda u hureen soo celinta amniga Muqdisho, isaga oo ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidamada iyo hay’adaha amniga ee dalka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale mucaaradka ugu baaqay inay ka fogaadaan waxa uu ku tilmaamay “siyaasadeynta amniga iyo ciidamada”, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay dhegeysiga aragti kasta oo siyaasadeed oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed.
Khudbaddiisa ayuu si gaar ah ugu difaacay xorriyadda hadalka iyo mudaaharaadyada nabadeed, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay aqbalsan tahay dhaliilaha iyo mucaaradka siyaasadeed.
“Waa dowlad oggol xorriyadda hadalka, qof walba wuxuu xor u yahay inuu cabbiro aragtidiisa sida dastuurku dhigayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu mar kale ku celiyay in dowladda ay taageersan tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si xor ah u doortaan hoggaankooda.
“Haddii shacabka ay doortaan cid kale, waan hambalyeynaynaa oo waan la shaqeynaynaa. Haddii ay annaga na doortaan, sidoo kale waan sii wadaynaa shaqada,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Muqdisho ay kasoo gudubtay waqtiyo adag oo ay hareeyeen dagaallo iyo cabsi amni, isaga oo tilmaamay in shacabka caasimaddu ay hadda muujiyeen biseyl siyaasadeed iyo rabitaan ay ku ilaalinayaan nabadda iyo xasilloonida.
Khudbaddan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.


















