• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Qoyska Geesigii lagu dilay weerarkii Masaajidka San Diego oo loo ururiyay malaayiin dollar

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Qoyska Geesigii lagu dilay weerarkii Masaajidka San Diego oo loo ururiyay malaayiin dollar
Share

Wararka24: In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyay qoyska Amin Abdullah oo ahaa waardiyaha lagu dilay weerar ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, kadib markii uu isku dayay inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa goobta.

Amin Abdullah oo ahaa aabbe dhalay siddeed carruur ah ayaa kamid ahaa saddex qof oo lagu dilay weerarka ka dhacay xarunta Islamic Center of San Diego, oo kamid ah masaajidda ugu waaweyn gobolkaasi. Weerarka ayaa dhacay xilli carruur badan ay ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka.

Wararka ayaa sheegaya in Abdullah uu kaalin weyn ka qaatay xiritaanka gudaha xarunta iyo badbaadinta carruurta iyo shaqaalaha, kahor inta aan la dilin. Taliyaha booliska magaalada San Diego Scott Wahl ayaa ku tilmaamay ficilladiisa kuwo geesinimo leh oo badbaadiyay nafo badan.

Booliska ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo hubeysnaa ay weerarka geysteen, kahor inta aan meydadkooda laga helin gaari u dhow goobta. Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa baaraya suuragalnimada in weerarka uu salka ku hayo naceyb ka dhan ah Muslimiinta, kadib markii la helay qoraallo la xiriira arrintaasi.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta iyo maamulka xarunta Islaamiga ah ayaa sheegay in Amin Abdullah uu naftiisa u huray difaaca carruurta, macallimiinta iyo dadka cibaadada ku jiray xilliga weerarka dhacay.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu ammaanay geesinimada Abdullah, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen halyeey Muslim ah oo naftiisa u huray badbaadinta dadka kale. Lacag ururinta online-ka ah ee loo sameeyay qoyskiisa ayaa si degdeg ah uga gudubtay 1.7 milyan oo dollar.

Mas’uuliyiinta gobolka California iyo magaalada San Diego ayaa cambaareeyay weerarka, iyaga oo sheegay in goobaha cibaadada aysan noqon karin bartilmaameed lagu waxyeelleeyo dad rayid ah. Weerarkan ayaa mar kale sare u qaaday walaaca laga qabo falalka naceybka ku saleysan ee ka dhanka ah Muslimiinta gudaha Mareykanka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.