• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo howlgallo billowday kadib afduubka Dr. Faarax Cabdi Maxamed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo howlgallo billowday kadib afduubka Dr. Faarax Cabdi Maxamed
Share

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa bilaabay howlgallo amni oo lagu baadigoobayo Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka shaqeysa hay’adda Médecins Sans Frontières ee ka howlgasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, kadib markii uu afduub u gacan galay koox hubeysan.

Dhakhtarka ayaa maalintii labaad ku jira gacanta kooxdii afduubatay, iyadoo weli aan la hayn faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan halka lagu hayo ama cidda ka dambeysa falkaasi. Tani ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo badqabka shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa si kulul u cambaareysay afduubka, iyada oo sheegtay in falkaasi uu yahay mid ka baxsan bini’aadantinimada isla markaana halis gelinaya adeegyada caafimaad ee bulshada. Wasaaraddu waxay xustay in Dr. Faarax uu ahaa xirfadle muddo dheer u adeegayay bulshada, doorna ka qaatay badbaadinta nolosha shacabka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ka digtay in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay cabsi ku abuuri karaan bahda caafimaadka, isla markaana ay wiiqi karaan adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, gaar ahaan xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo daryeel caafimaad.

Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee gobolka Mudug inay si degdeg ah u xoojiyaan howlgalada lagu soo badbaadinayo dhakhtarka, islamarkaana la horkeeno cadaaladda cid kasta oo ku lug leh afduubka.

Ugu dambeyn, shacabka deegaanka ayaa lagu booriyay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo helo xogta sahli karta sii deynta Dr. Faarax, loogana hortago falalka amni darro ee soo noqnoqda.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.