Wararka24: Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa fariisimo cusub ka sameystay duleedka magaalada Baydhaba, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada iyo deegaannada ku dhow. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo ammaanka iyo ka hortagga weerarro kale oo ka dhaca Baydhaba iyo nawaaxigeeda.
Saraakiisha amniga ee dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba, kaas oo looga hadlay xaaladda amni iyo sidii loo xoojin lahaa difaaca magaalada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay tallaabooyin cusub oo looga hortagayo falalka amni-darrada ah ee laga cabsi qabo.
Ciidamada labada dhinac ayaa lagu amray inay sare u qaadaan feejignaanta, gaar ahaan goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo waddooyinka soo gala Baydhaba. Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay qaar ka mid ah meelaha loo arko inay muhiim u yihiin sugidda amniga.
Waxaa sidoo kale la adkeeyay xakameynta isu socodka gaadiidka xilliyada hore ee subaxda iyo habeenkii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu doonayo in lagu yareeyo dhaqdhaqaaqyada laga yaabo inay khatar ku keenaan amniga magaalada.
Weerarrada iyo falalka amni-darrada ee ka dhanka ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhay. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay diyaarinayaan qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo ammaanka iyo looga hortagayo weerarro kale oo khatar gelin kara xasilloonida Baydhaba.
khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay oo sii kordhaya
Dhanka kale, waxaa sii kordhaya wararka ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay aroortii ka dhacay Baydhaba iyo duleedkeeda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in meydad hor leh laga soo saaray goobihii uu dagaalku ka dhacay, iyadoo aan weli jirin tiro rasmi ah oo madax-bannaan oo xaqiijinaysa khasaaraha guud.
Meydadyada la helay ayaa la sheegay inay ku jiraan dhinacyadii ku dagaallamay magaalada iyo dad rayid ah. Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Dagaalkii shalay ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo in xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay horseedaan iska-horimaadyo cusub. Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda xoogga saaraya xoojinta fariisimaha ciidamada iyo ka hortagga in dagaallo kale ay ka dhacaan magaalada.







