Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo saldhigyo cusub oo ka sameeysay duleedka Baydhaba

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa fariisimo cusub ka sameystay duleedka magaalada Baydhaba, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada iyo deegaannada ku dhow. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo ammaanka iyo ka hortagga…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 18, 2026, 5:26 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Federaalka oo saldhigyo cusub oo ka sameeysay duleedka Baydhaba
Share

Wararka24: Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa fariisimo cusub ka sameystay duleedka magaalada Baydhaba, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada iyo deegaannada ku dhow. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo ammaanka iyo ka hortagga weerarro kale oo ka dhaca Baydhaba iyo nawaaxigeeda.

Saraakiisha amniga ee dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba, kaas oo looga hadlay xaaladda amni iyo sidii loo xoojin lahaa difaaca magaalada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay tallaabooyin cusub oo looga hortagayo falalka amni-darrada ah ee laga cabsi qabo.

Ciidamada labada dhinac ayaa lagu amray inay sare u qaadaan feejignaanta, gaar ahaan goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo waddooyinka soo gala Baydhaba. Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay qaar ka mid ah meelaha loo arko inay muhiim u yihiin sugidda amniga.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay xakameynta isu socodka gaadiidka xilliyada hore ee subaxda iyo habeenkii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu doonayo in lagu yareeyo dhaqdhaqaaqyada laga yaabo inay khatar ku keenaan amniga magaalada.

Weerarrada iyo falalka amni-darrada ee ka dhanka ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhay. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay diyaarinayaan qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo ammaanka iyo looga hortagayo weerarro kale oo khatar gelin kara xasilloonida Baydhaba.

khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay oo sii kordhaya

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya wararka ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay aroortii ka dhacay Baydhaba iyo duleedkeeda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in meydad hor leh laga soo saaray goobihii uu dagaalku ka dhacay, iyadoo aan weli jirin tiro rasmi ah oo madax-bannaan oo xaqiijinaysa khasaaraha guud.

Meydadyada la helay ayaa la sheegay inay ku jiraan dhinacyadii ku dagaallamay magaalada iyo dad rayid ah. Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Dagaalkii shalay ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo in xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay horseedaan iska-horimaadyo cusub. Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda xoogga saaraya xoojinta fariisimaha ciidamada iyo ka hortagga in dagaallo kale ay ka dhacaan magaalada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.