Dukumentiyo taariikhi ah oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa muujinaya in sannadkii 1978 la soo jeediyay qorshe lagu doonayay in Kenya ay gobolkeeda Waqooyi Bari, oo loo yaqaan NFD, ku wareejiso Soomaaliya.
Qorshahan ayaa ku jiray warqad gudaha ah oo ay qortay waaxda, kuna taariikheysnayd 28-kii Febraayo 1978. Magaca qofka qoray weli lama shaacin.
Warqaddu waxay soo jeedisay in Mareykanku isku dayo inuu ku qanciyo Madaxweynihii Kenya, Jomo Kenyatta, inuu NFD u wareejiyo Soomaaliya.
Si looga magdhabo dhulka, Kenya waxaa la siin lahaa gargaar dhaqaale, halka Soomaaliya ay maalgelin lahayd horumarinta gobolka la wareejiyay.
Qoraaga warqadda ayaa rumeysnaa in Kenyatta keligiis uu lahaa awood siyaasadeed oo uu tallaabadaas ku qaadi karo.
Warqadda ayaa sidoo kale sheegtay in waddaniyadda Soomaalida, oo ku dhisan luqad, dhaqan, diin iyo abtirsiin wadaag ah, ay ahayd awoodda siyaasadeed ee ugu xoogga badan Geeska Afrika xilligaas.
Qorshaha ayaa soo jeediyay in marka hore la abuuro taageero bulsho, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada, joornaalada iyo telefishinka, si fikradda loo gaarsiiyo aqoonyahannada iyo hoggaamiyeyasha Kenya.
Warqaddu waxay soo baxday xilli wafdi sare oo Kenyan ah, oo uu hoggaaminayay Ku xigeenka Madaxweynaha xilligaas Daniel arap Moi, uu qorsheynayay inuu Washington booqdo 1-da ilaa 3-da Maarso 1978.
Wafdigaas ayaa raadinayay hub, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gantaallo lidka taangiyada ah, maadaama Kenya ay ka cabsi qabtay in Soomaaliya ay xoog ku qabsato NFD.
Hase yeeshee qorshaha ayaa la kulmay diidmo xoog leh oo gudaha Waaxda Arrimaha Dibadda ah.
Lake ayaa ka digay in ku dhiirrigelinta wareejinta dhulka ay dhaawici karto xiriirka Mareykanka iyo Kenya, isla markaana ay ka hor imaan lahayd mabda’a ilaalinta xuduudaha gumeysiga ka dhaxlay, ee ay taageersanaayeen Mareykanka iyo Ururka Midnimada Afrika.
Wuxuu sidoo kale sheegay in tallabadaas ay xasillooni darro ku abuuri karto qaaradda Afrika.
Ma jirto caddeyn muujinaysa in qorshahu noqday siyaasad rasmi ah oo Mareykan ah, ama in loo soo bandhigay Kenyatta. Kenyatta ayaa dhintay qiyaastii saddex toddobaad kadib warqaddii Lake.
Xilligaas, Soomaaliya ayaa dhawaan ka soo baxday dagaalkii Ogaadeenya ee 1977 ilaa 1978, kaas oo ay la gashay Itoobiya.
Arrinta NFD ayaa xiisad ka dhex abuurtay Soomaaliya iyo Kenya tan iyo xorriyaddii, maadaama bulshada Soomaalida ee gobolkaas ay codsadeen inay ku biiraan Soomaaliya.









