Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mooshin xilka looga qaadayo Cali Yusuf Xoosh oo Golaha Shacabka la horgeeyay

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yusuf Cali Xoosh, iyagoo dalbanaya in xilka laga qaado. Mooshinka ayaa loo gudbiyay Golaha Shacabka, waxaana loo xilsaray…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 31, 2026, 6:18 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Mooshin xilka looga qaadayo Cali Yusuf Xoosh oo Golaha Shacabka la horgeeyay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yusuf Cali Xoosh, iyagoo dalbanaya in xilka laga qaado. Mooshinka ayaa loo gudbiyay Golaha Shacabka, waxaana loo xilsaray saaray guddi ka shaqeeya arrintiisa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mooshinku uu muddo soo socday, kaddib markii ay xildhibaannada ka dhex abuurmeen tabashooyin la xiriira waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wuxuu sheegay in maanta si rasmi ah loo horgeeyay Golaha Shacabka.

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa Wasiir Cali Xoosh ku eedeeyay gaabis iyo waxqabad hoose oo ay sheegeen inuu ka jiro howlaha wasaaradda. Waxay si gaar ah u tilmaameen arrimaha amniga, colaadaha beelaha iyo khilaafaadka ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay wasiirka ku dhaliileen inuu ku guuldarreystay inuu ka shaqeeyo xalinta khilaafaadka iyo colaadaha ka dhex dhaca beelaha Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale sheegeen in wasaaraddu aysan si wanaagsan uga jawaabin caqabadaha la xiriira xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ku eedeeyay inuu ka gaabiyay difaaca iyo horumarinta nidaamka federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ka mid ah qodobada ay ku saleynayaan dalabkooda ku aaddan in xilka laga qaado wasiirka.

Mooshinka ayaa loo gudbiyay guddi loo xil saaray inuu ka shaqeeyo arrintiisa, iyadoo la filayo in guddigu uu qiimeeyo qodobada lagu soo oogay wasiirka iyo habraaca looga baahan yahay mooshinka. Kadib marka uu guddigu soo dhammeeyo shaqadiisa, waxaa la filayaa in arrinta dib loogu soo celiyo Golaha Shacabka.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dowladda federaalka Soomaaliya. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe walaac ka muujinayay habka loo maareynayo arrimaha amniga, siyaasadda gudaha iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan waqtiga Golaha Shacabka ka doodi doono mooshinka ama mowqifka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee eedeymaha loo jeediyay. Haddii mooshinku u gudbo marxaladaha xiga, Golaha Shacabka ayaa yeelan doona doorka ugu dambeeya ee go’aaminta arrinta.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.