Wararka24: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa kulamo muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo FBI.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Mahad Salaad ayaa kulamadaas ku soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, isagoo muujiyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada shaqeynta.
Sidoo kale, agaasimaha NISA ayaa booqday xarunta ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg, halkaas oo uu kula kulmay taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalada socda ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Mahad Salaad ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidamada.
Iskaashigan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxaha hubeysan, iyadoo la xusay guulo laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyay.



















