Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Magacaabista Nadaara oo dhalisay dood siyaasadeed iyo mid amni

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xil cusub u magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim oo loo yaqaano Nadaara, kaas oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 3:37 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Magacaabista Nadaara oo dhalisay dood siyaasadeed iyo mid amni
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xil cusub u magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim oo loo yaqaano Nadaara, kaas oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa si weyn u dhalisay dood siyaasadeed iyo walaac amni, maadaama Nadaara lagu xuso inuu hore uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab kahor inta uusan dowladda isu soo dhiibin. Ilo siyaasadeed iyo warar hore ayaa sheegaya inuu xilal kala duwan kasoo qabtay deegaannada Bay iyo Bakool xilligii uu kooxda ku jiray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe dhiirrigelineysay xubnaha Al-Shabaab inay kasoo baxaan kooxda, iyadoo taasi qayb ka dhigatay qorshaha lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab. Kadib markii uu kasoo baxay kooxda, Nadaara waxaa loo magacaabay xilal kala duwan oo dowladda ah.

Waxa uu horey usoo noqday Agaasime Ku-xigeenka Xarunta Tubsan oo ka shaqeysa ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo dib-u-dhexgalka dadka kasoo baxa kooxaha hubeysan. Sidoo kale wuxuu soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya.

Dadka dhaliilsan magacaabistan ayaa sheegaya in shacabka aan si cad loogu sharixin habraacyada lagu hubiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab, gaar ahaan marka loo dhiibayo xilal muhiim ah oo la xiriira amniga iyo maamulka ciidamada.

Qaar kamid ah falanqeeyayaasha ayaa ku doodaya in dib-u-dhexgalka iyo baxnaaninta ay muhiim yihiin, balse loo baahan yahay hufnaan, isla xisaabtan iyo kalsooni dadweyne si looga hortago shakiga la xiriira magacaabista xilalka dowladda.

Ilaa hadda dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heerka hubinta amni ee lagu sameeyay Nadaara iyo sababaha rasmiga ah ee loogu doortay xilkan cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

17 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.