Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Xaaji Cabdirashiid, ayaa si adag u beeniyay eedeymo la xiriira safar uu dhawaan ku tagay dalka Kenya, kuwaas oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, isla markaana aan loo hayn wax caddeyn ah.
Jibriil ayaa sheegay inuusan waligiis ku lug yeelan falal wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida, xasilloonida ama wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo xusay inuu waajibaadkiisa dowladeed u gudanayo si waafaqsan sharciga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay Kenya inay ka mid tahay saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, isaga oo xusay kaalinta ay ka qaadatay martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, taageerada amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xiriir taariikhi ah, dhaqan, qoys iyo ganacsi, islamarkaana danta labada shacab ay ku jirto sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta.
Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa sidoo kale caddeeyay inuu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo isdhexgalka gobolka.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin, isaga oo adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, dowladnimada iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya.
Hadalkan ayaa yimid maalin kadib markii hay’adaha ammaanka Kenya ay soo saareen eedeymo la xiriira socdaalkii Jibriil, kuwaas oo uu mas’uulku si cad u beeniyay.



















