Wararka24: 2-02-2026 Ciidamada Israa’iil ayaa subaxnimadii Isniinta duqeymo cirka ah oo culus ka fuliyey xaafadaha koonfureed ee magaalada Beyruut, gaar ahaan aagga Dahiyeh, oo ay ku xooggan tahay ururka Xisbullah, kadib weerarro ay kooxdaasi ku qaaday gudaha Israa’iil.
Milatariga Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu beegsaday goobo uu ku tilmaamay inay la xiriiraan Xisbullah oo ku kala yaalla Lubnaan. Taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil, Eyal Zamir, ayaa sheegay in kooxda ay furtay “olole ka dhan ah Israa’iil,” isla markaana ay la kulmi doonto jawaab milatari.
Duqeymahan ayaa yimid kadib markii Xisbullah ay sheegtay in ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid jawaab u ah dilkii hoggaamiye sare oo Iiraan ah. Goobjoogayaal ku sugan Beyruut ayaa sheegay in qaraxyo badan ay gilgileen xaafadaha koonfureed ee caasimadda.
Ilo amni oo Lubnaani ah ayaa sheegay in duqeymo kale ay ka dhaceen koonfurta Lubnaan iyo Dooxada Bekaa. Xisbullah ayaa dhankeeda sheegtay inay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerarrada lagu beegsanayo hoggaankeeda iyo taageerayaasheeda.
Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad amni oo kacsan, iyadoo labada dhinac ay hore ugu heshiiyeen xabbad-joojin la dhexdhexaadiyey sanadkii 2024, balse eedeymo ku saabsan jebinta heshiiska ay weli taagnaayeen.
















