Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Imaaraadka oo kabaxay ururka shidaalka ee OPEC, khilaaf cusubna la galay Sacuudiga

Go’aanka ay dowladda Imaaraadka Carabta kaga baxday ururka shidalka ee OPEC ayaa sare u qaaday doodda ku saabsan mustaqbalka iskaashiga shidaalka ee dalalka Khaliijka. Tallaabadan ayaa lagu fasiray isbeddel siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo saameyn ku yeelan kara…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 2, 2026, 12:05 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Imaaraadka oo kabaxay ururka shidaalka ee OPEC, khilaaf cusubna la galay Sacuudiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Go’aanka ay dowladda Imaaraadka Carabta kaga baxday ururka shidalka ee OPEC ayaa sare u qaaday doodda ku saabsan mustaqbalka iskaashiga shidaalka ee dalalka Khaliijka. Tallaabadan ayaa lagu fasiray isbeddel siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo saameyn ku yeelan kara xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya. Arintan aya kadigan fursad siyasadeed oo la hordhigay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Muddo dheer, Riyadh iyo Abu Dhabi waxay isku aragti ka ahaayeen siyaasadaha tamarta, balse khilaafkooda ayaa soo ifbaxay sannadihii dambe. Sacuudiga wuxuu doorbidayay in wax-soo-saarka la xaddido si qiimaha shidaalka loo ilaaliyo, halka Imaaraadku uu taageersanaa kordhinta wax-soo-saarka si suuqa loo balaariyo.

Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in Imaaraadku muddo dheer qorsheynayay inuu ka baxo OPEC, maadaama uu sameeyay maalgashi ballaaran oo kor u qaaday awooddiisa wax-soo-saar. Tani waxay siinaysaa fursad uu si madax-bannaan ugu go’aansado siyaasaddiisa shidaalka.

Go’aankan ayaa sidoo kale kusoo beegmay xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado amni iyo kuwo siyaasadeed oo sii kordhaya. Khubarada qaar waxay rumeysan yihiin in tallaabada Abu Dhabi ay la xiriirto xisaab siyaasadeed oo ka baxsan arrimaha tamarta, gaar ahaan xiriirka dhow ee uu la leeyahay mareykanka iyo Israel.

Sacuudi Carabiya ayaa weli ah awoodda ugu weyn ee OPEC, waxaana la filayaa in bixitaanka Imaaraadka uu saameyn ku yeesho isku dheelitirka ururka. Sidoo kale, arrintan waxay abuuri kartaa tartan cusub oo u dhexeeya labada dal ee ugu saameynta badan Khaliijka.

Khubaro badan ayaa qaba in tallaabadan ay noqon karto calaamad muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimaada mustaqbalka OPEC iyo suuqa tamarta caalamka, iyadoo la sugayo sida dalalka kale uga falceliyaan go’aanka Imaaraadka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

21 hours ago
Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

22 hours ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

22 hours ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

2 days ago
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

2 days ago
Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.