Wararka24: Dowladda Netherlands ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ammaanka xarumaha ay deggen yihiin qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah, kadib markii ay sii kordheen weerarro iyo falal rabshado wata oo lala beegsanayo xarumahaasi maalmaihii lasoo dhaafay.
Rabshadahan ayaa waxaa lagu eedeeyay kooxo midigta fog oo kasoo horjeeda soo galootiga, kuwaas oo la sheegay inay dab qabadsiyeen xarun ku-meel-gaar ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht. Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay isku dayeen inay hor istaagaan ciidamada dab-demiska, inkastoo ugu dambeyn la badbaadiyay dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii halkaasi ka howlgalayay.
Golaha Wasiirrada Netherlands oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladdan ayaa sheegay in dowladdu ay taageero gaar ah siin doonto maamullada hoose si loo sugo ammaanka dadka magangelyo-doonka ah iyo xarumaha loo qorsheeyay in la dejiyo.
Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Rob Jetten ayaa cambaareeyay weerarrada, isagoo ku tilmaamay falal cunsuriyadeed oo aan la aqbali karin. Wuxuu sheegay in dadka ka dambeeya rabshadaha lala xisaabtami doono, islamarkaana dowladdu aysan ogolaan doonin in cabsi lagu abuuro qaxootiga iyo dadka cusub ee dalka yimid.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Netherlands, Cabdikaadir Cali Nuune, ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay dowladdu qaaday. Wuxuu ugu baaqay Soomaalida iyo qaxootiga kale inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama ay jiraan kooxo si joogto ah u abaabulaya mudaharaadyo iyo weerarro ka dhan ah xarumaha qaxootiga.
Hay’adda qaabilsan magangelyo-doonka ee COA ayaa iyaduna walaac ka muujisay badqabka shaqaalaha iyo qaxootiga ku jira xarumaha la weeraray, iyadoo sheegtay in xaaladdu u baahan tahay feejignaan iyo ilaalin dheeraad ah.
Weerarradii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin IJsselstein, Den Bosch, Apeldoorn iyo Loosdrecht, kuwaas oo dhammaantood laga dareemayo xiisad sii kordheysa oo la xiriirta arrimaha qaxootiga.


















