Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Holland oo adkaysay amniga kadib weerarro joogta ah oo lagu qaaday qaxootiga

Dowladda Netherlands ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ammaanka xarumaha ay deggen yihiin qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah, kadib markii ay sii kordheen weerarro iyo falal rabshado wata oo lala beegsanayo xarumahaasi maalmaihii lasoo dhaafay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 20, 2026, 2:17 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Holland oo adkaysay amniga kadib weerarro joogta ah oo lagu qaaday qaxootiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Netherlands ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ammaanka xarumaha ay deggen yihiin qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah, kadib markii ay sii kordheen weerarro iyo falal rabshado wata oo lala beegsanayo xarumahaasi maalmaihii lasoo dhaafay.

Rabshadahan ayaa waxaa lagu eedeeyay kooxo midigta fog oo kasoo horjeeda soo galootiga, kuwaas oo la sheegay inay dab qabadsiyeen xarun ku-meel-gaar ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht. Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay isku dayeen inay hor istaagaan ciidamada dab-demiska, inkastoo ugu dambeyn la badbaadiyay dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii halkaasi ka howlgalayay.

Golaha Wasiirrada Netherlands oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladdan ayaa sheegay in dowladdu ay taageero gaar ah siin doonto maamullada hoose si loo sugo ammaanka dadka magangelyo-doonka ah iyo xarumaha loo qorsheeyay in la dejiyo.

Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Rob Jetten ayaa cambaareeyay weerarrada, isagoo ku tilmaamay falal cunsuriyadeed oo aan la aqbali karin. Wuxuu sheegay in dadka ka dambeeya rabshadaha lala xisaabtami doono, islamarkaana dowladdu aysan ogolaan doonin in cabsi lagu abuuro qaxootiga iyo dadka cusub ee dalka yimid.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Netherlands, Cabdikaadir Cali Nuune, ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay dowladdu qaaday. Wuxuu ugu baaqay Soomaalida iyo qaxootiga kale inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama ay jiraan kooxo si joogto ah u abaabulaya mudaharaadyo iyo weerarro ka dhan ah xarumaha qaxootiga.

Hay’adda qaabilsan magangelyo-doonka ee COA ayaa iyaduna walaac ka muujisay badqabka shaqaalaha iyo qaxootiga ku jira xarumaha la weeraray, iyadoo sheegtay in xaaladdu u baahan tahay feejignaan iyo ilaalin dheeraad ah.

Weerarradii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin IJsselstein, Den Bosch, Apeldoorn iyo Loosdrecht, kuwaas oo dhammaantood laga dareemayo xiisad sii kordheysa oo la xiriirta arrimaha qaxootiga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

18 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

19 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.