• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo diiday inuu dalka ka hirgalo adeegga cusub ee WhatsApp

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo diiday inuu dalka ka hirgalo adeegga cusub ee WhatsApp
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay adeeg cusub oo ay shirkadda Meta qorsheyneyso inay kusoo kordhiso WhatsApp, kaas oo u saamaxaya isticmaaleyaasha inay adeegsadaan magac gaar ah (username) halkii laga isticmaali lahaa lambarka taleefanka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa sheegtay in isbeddelkan uu keeni karo caqabado la xiriira dhinaca amniga, maadaama uu adkeyn karo aqoonsiga dadka adeegsanaya barnaamijka, xilli dalka uu weli wajahayo khataro amni iyo falal la xiriira dambiyada abaabulan.

Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan taageersaneyn hirgelinta adeeggan cusub, isaga oo xusay in arrinta ugu weyn ee walaaca dhalineysa ay tahay saameynta uu ku yeelan karo la socodka iyo ka hortagga falalka khatarta ku ah amniga qaranka.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay la wadaagto walaaca ay dalal kale ka muujiyeen isbeddelkan, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeelan karo awoodda hay’adaha amniga iyo kuwa sharci fulinta ee dabagalka dambiyada lagu fuliyo adeegyada casriga ah.

Hay’addu waxay sheegtay in dowladda ay waajib ka saaran tahay ilaalinta amniga isgaarsiinta dalka, isla markaana ay muhiim tahay in si taxaddar leh loo qiimeeyo adeeg kasta oo cusub oo lagu soo kordhiyo tiknoolajiyadda isgaarsiinta.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale adkeeyay in isbeddellada lagu sameeyo adeegyada dhijitaalka ah ay u baahan yihiin daraasad qoto dheer oo lagu eegayo saamaynta ay ku yeelan karaan amniga, gaar ahaan marka laga hadlayo la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo shabakadaha dambiyada abaabulan.

Doodda ku saabsan isku dheelitirka u dhexeeya ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha iyo sugidda amniga ayaa sii xoogeysaneysa, xilli shirkadaha tiknoolajiyadda ay sii kordhinayaan adeegyada kor u qaadaya qarsoodiga iyo ilaalinta xogta dadka isticmaala aaladaha casriga ah.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.