• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Haweeney uu gubay ninkeeda oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Haweeney uu gubay ninkeeda oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho
Share

Wararka24: Safiyo Cali oo ahayd hooyo dhashay 11 carruur ah ayaa maanta ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dab la sheegay in ninkeeda uu ku gubay habeenkii Arbacada

Sida ay sheegeen eheladeeda, marxuumadda ayaa lagu dhaawacay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa habeenkii Arbacada. Eheladu waxay sheegeen in falkaasi lagu eedeynayo ninkeeda, Sayid Cumar.

Qoyska ayaa sheegay in Safiyo Cali ay saacadihii iyo maalmihii la soo dhaafay ku jirtay xaalad caafimaad oo aad u liidata, iyadoo lagu daweynayay isbitaal ku yaalla Muqdisho. Ugu dambeyn ayay maanta u geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray gubashada.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in labada lamaane uu muddooyinkii dambe u dhexeeyay khilaaf qoys, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababaha murankaasi salka ku hayay.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ninka lagu eedeeyay falka uu goobta ka baxsaday kadib dhacdada, iyadoo aan weli la shaacin halka uu ku sugan yahay. Hay’adaha ammaanka ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan baaritaanka kiiskan.

Ehelada marxuumadda ayaa muujiyay murugo iyo caro ay ka qabaan geerida Safiyo Cali, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno qofka lagu eedeeyay falkaasi.

Qoyska ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin wax heshiis ama mag ah, balse ay doonayaan in kiiska loo maro waddada sharciga, si loo helo caddaalad ku saleysan nidaamka garsoorka.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho, iyadoo bulshada qaarkeed ay ku baaqayaan in la xoojiyo tallaabooyinka looga hortagayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka iyo xallinta khilaafaadka qoysaska si waafaqsan sharciga.


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.