Wararka24: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la qorsheeyay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay qabsoonto 20-ka bishan Luulyo.
Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu waafaqsan yahay qodobada shuruucda doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobka 10-aad ee sharciga dhismaha GMDQS iyo qodobka 18-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka.
Warsaxaafadeedka guddiga ayaa qeexay marxaladaha kala duwan ee geeddi-socodka doorashada, iyadoo la sheegay in la doonayo in la xoojiyo hufnaanta, daahfurnaanta iyo ka qaybgalka bulshada.
Sidoo kale, guddiga ayaa shaaciyay in 215,860 qof ay iska diiwaangeliyeen codbixinta, isla markaana ay qaateen kaararka codbixinta ee doorashada.
Codbixiyeyaasha is diiwaangeliyay ayaa ku kala sugan gobollada ay ka kooban tahay Galmudug, kuwaas oo kala ah Galgaduud iyo Mudug, sida lagu sheegay warbixinta guddiga.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si dhow ula shaqeeyaan geeddi-socodka doorashada, si ay ugu dhacdo jawi nabdoon, hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Doorashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed oo la xiriira maamulka Galmudug, iyadoo bulshada deegaannada maamulkaasi ay si weyn isha ugu hayaan doorashada soo socota iyo natiijada ka soo baxda.



















