Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Galmudug

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la qorsheeyay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay qabsoonto 20-ka bishan Luulyo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 2, 2026, 3:56 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la qorsheeyay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay qabsoonto 20-ka bishan Luulyo.

Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu waafaqsan yahay qodobada shuruucda doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobka 10-aad ee sharciga dhismaha GMDQS iyo qodobka 18-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka.

Warsaxaafadeedka guddiga ayaa qeexay marxaladaha kala duwan ee geeddi-socodka doorashada, iyadoo la sheegay in la doonayo in la xoojiyo hufnaanta, daahfurnaanta iyo ka qaybgalka bulshada.

Sidoo kale, guddiga ayaa shaaciyay in 215,860 qof ay iska diiwaangeliyeen codbixinta, isla markaana ay qaateen kaararka codbixinta ee doorashada.

Codbixiyeyaasha is diiwaangeliyay ayaa ku kala sugan gobollada ay ka kooban tahay Galmudug, kuwaas oo kala ah Galgaduud iyo Mudug, sida lagu sheegay warbixinta guddiga.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si dhow ula shaqeeyaan geeddi-socodka doorashada, si ay ugu dhacdo jawi nabdoon, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Doorashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed oo la xiriira maamulka Galmudug, iyadoo bulshada deegaannada maamulkaasi ay si weyn isha ugu hayaan doorashada soo socota iyo natiijada ka soo baxda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.