• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Shacabka oo buriyey mooshinkii xil-ka-qaadista Wasiir Cali Xoosh

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 days ago
Reading Time: 3 mins read
Golaha Shacabka oo buriyey mooshinkii xil-ka-qaadista Wasiir Cali Xoosh
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay in la laalay mooshinkii la xiriirtay la-xisaabtanka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aanka lagu laalay soo jeedinta uu yimid kadib markii la hubiyay saxiixyada xildhibaanada ku lifaaqnaa qoraalka. Sida uu sheegay, qaar ka mid ah xildhibaanadii magacyadooda iyo saxiixyadooda lagu daray soo jeedinta ayaa caddeeyay inaysan qayb ka ahayn.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in Qodobka 75-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu dhigayo in soo jeedin noocan ah ay noqoto mid qoraal ah oo ay saxiixaan tirada xildhibaanada uu xeerku dhigayo.

Waxa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu awood u leeyahay inuu soo celiyo ama laalo soo jeedin aan buuxin shuruudaha iyo habraacyada uu dhigayo Xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

“Markuu hubiyay habraacyada iyo sax ahaanshaha saxiixyada ku lifaaqan soo jeedinta, markay u caddaatay in qaar ka mid ah xildhibaanada magacyadooda iyo saxiixyadooda ku xusan ay caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn soo jeedinta, wuxuu go’aamiyay in la laalo soo jeedinta,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soo jeedinta ayaa la xiriirtay in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta la horgeeyo Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan waajibaadka wasaaradda iyo shaqada Xukuumadda.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale caddeeyay in go’aanka lagu laalay soo jeedintan uusan meesha ka saareyn xaqa dastuuriga ah ee xildhibaanada u oggolaanaya inay soo gudbiyaan soo jeedin cusub oo la xiriirta la-xisaabtanka Xukuumadda.

Waxa uu sheegay in soo jeedin cusub la keeni karo haddii ay buuxiso shuruudaha Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, oo ay ku jiraan sax ahaanshaha saxiixyada xildhibaanada taageeraya.

Go’aanka Guddoonka ayaa sidaas ku soo afjaray soo jeedintii hadda taallay Golaha Shacabka, iyadoo xildhibaanada doonaya la-xisaabtanka Wasiirka ama Xukuumadda ay weli haystaan fursad ay ku soo gudbin karaan soo jeedin cusub oo waafaqsan habraacyada baarlamaanka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.