Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Doorashada hoggaanka degmooyinka Banaadir oo bilaabaneysa Ciidda kadib

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa shaaciyay in doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay si rasmi ah u bilaaban doonto kadib munaasabadda Ciidul-Adxa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 23, 2026, 5:32 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Doorashada hoggaanka degmooyinka Banaadir oo bilaabaneysa Ciidda kadib
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa shaaciyay in doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay si rasmi ah u bilaaban doonto kadib munaasabadda Ciidul-Adxa.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu qabtay xubnaha cusub ee golayaasha deegaanka, isagoo sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu dhameystirayo nidaamka dowladaha hoose iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda ee dalka.

Cali Xoosh ayaa sheegay in xubnaha golayaasha deegaanka ay dooran doonaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ku xigeennadooda marka la soo gabagabeeyo tababarrada hadda socda. Wuxuu xusay in geeddi-socodkan uu muhiim u yahay kor u qaadista isla xisaabtanka iyo maamulka ku saleysan matalaadda shacabka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in tababarrada la siinayo xubnaha golayaasha deegaanka aysan ku koobnaan doonin aqoon-isweydaarsiyada hadda socda, balse ay jiri doonaan barnaamijyo dheeraad ah oo ku saabsan maamulka degmooyinka, qorsheynta horumarinta, adeegyada bulshada iyo habraacyada sharci dejinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo nidaamka dowladaha hoose, iyadoo Gobolka Banaadir uu ka mid yahay meelaha mudnaanta la siinayo hirgelinta maamul deegaan oo shacabka ka qeyb qaataan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa aaminsan in doorashooyinka heer degmo ay gacan ka geysan doonaan xoojinta maamulka deegaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta ka qeybgalka shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay socdaan qorshayaal lagu ballaarinayo hannaanka doorashooyinka iyo maamulka deegaanka, iyadoo la filayo in doorashada hoggaanka degmooyinka Banaadir ay noqoto marxalad muhiim ah oo lagu hormarinayo dowladnimada hoose ee caasimadda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

19 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

20 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.