Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo xalay ku dhuftay xeebaha Puntland

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 ayaa saqdii dhexe ee Jimcaha ka dhacay badda Gacanka Cadmeed, qiyaastii 145 kiiloomitir waqooyi kaga beegan degmada Caluula ee gobolka Bari.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 28, 2026, 12:03 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo xalay ku dhuftay xeebaha Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 ayaa saqdii dhexe ee Jimcaha ka dhacay badda Gacanka Cadmeed, qiyaastii 145 kiiloomitir waqooyi kaga beegan degmada Caluula ee gobolka Bari.

Hay’adda Sahanka Dhulka ee Mareykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirku dhacay 12:07 habeenimo waqtiga Soomaaliya, iyadoo xaruntiisu ahayd badda hoosteeda, meel ku dhow 10 kiiloomitir oo qoto dheer.

Xarunta dhulgariirka ayaa ku taalla biyaha u dhexeeya waqooyi-bari Soomaaliya iyo Yemen. Xarunta Jarmalka ee GFZ ayaa sidoo kale diiwaangelisay dhulgariirka, iyadoo xaqiijisay inuu cabbirkiisu ahaa 6.0.

Gariirka ayaa laga dareemay qaar ka mid ah deegaanada ku dhow xeebaha Puntland, inkastoo ilaa hadda aan la soo sheegin wax dhimasho, dhaawac ama burbur weyn oo ka dhashay.

USGS ayaa soo saartay digniin heerka Green PAGER, taas oo muujinaysa in ay aad u hooseyso khasaare dhaqaale oo weyn ama dhimasho

Qiimeynta gariirka ayaa sidoo kale muujisay in deegaannada ku dhow ay dareemi karaan gariir gaaraya heerka IV ee cabbirka Modified Mercalli, kaas oo guud ahaan lagu tilmaamo gariir fudud.

Dhulgariirku wuxuu ku beegnaa qiyaastii 165 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan deegaanka Bareeda, halka uu ku dhowaad 209 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegnaa magaalada Mukalla ee Yemen.

Inkasta oo cabbirka 6.0 uu yahay mid awood u leh inuu sababo gariir xooggan, haddana xarunta dhulgariirka oo ku taalla meel ka baxsan xeebaha ayaa hoos u dhigtay khatarta degdegga ah ee ku wajahan deegaanada dadku ku badan yahay.

Xogta la heli karo sidoo kale ma muujinayso khatar tsunami oo ka dhalatay dhulgariirka. Ilaa hadda, maamulka Puntland kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan saameynta ama khasaaraha ka dhashay dhacdada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

3 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.