Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo maamul cusub loogu magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegtada ayaa lagu magacaabay Cabdifitaax Sayid Axmed Cabdi oo loo xilsaaray guddoomiyaha gobolka, isaga oo xilkaas u qaban doona si ku-meel-gaar ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka, iyadoo la arkay baahida loo qabo hoggaan cusub oo xoojiya maamulka iyo amniga.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay xustay in go’aankan lagu saleeyay qodobka 43-aad ee sharciga gobollada iyo degmooyinka dalka, kaas oo awood siinaya inay maamul u magacowdo gobollada marka loo baahdo.
“Magacaabistan ayaa la tixgeliyay baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka gobolka oo ah mid istiraatiiji ah, darisna la ah caasimadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u waday magacaabista maamullo cusub oo ka jira gobollo iyo degmooyin, iyadoo dadaal ugu jirta xoojinta maamulka iyo amniga guud ee dalka.


















