Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka somaaliya Oo Go’aan Ka Gaaray Casuumaadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

24-01-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay isku raaceen in ay ka qeybgalaan gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 24, 2026, 11:11 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Golaha
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 24-01-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay isku raaceen in ay ka qeybgalaan gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, kulanka ayaa lagu go’aamiyay in la aqbalo casuumaadda Dowladda Federaalka, iyadoo la filayo in Golaha Mustaqbalka uu maanta soo saaro go’aan rasmi ah oo ku saabsan ka qeybgalka shirka.

Tan iyo markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay gogosha wadatashiga qaran, isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa wajahayay cadaadis siyaasadeed oo uga imaanayay wakiillada beesha caalamka, kuwaas oo ku boorriyay in ay qaataan wada-hadal si loo helo xal siyaasadeed.

Wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa kulamo gaar ah la yeeshay xubnaha Golaha Mustaqbalka somaliyeed, iyaga oo si cad uga dalbaday in ay aqbalaan casuumaadda dowladda, una arkaan wada-hadalka mid lama huraan u ah xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wakiilladaasi ayaa adkeeyay in xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay, si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, isaga oo casuumaad u diray madaxda iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale casuumaad rasmi ah u dirtay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Sida lagu shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, shirweynaha wadatashiga qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho 1-da bisha Febraayo 2026.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay wajaheyso loollan siyasadeed, maadaama muddada xil-heynta hay’adaha dowladda lagu wado inay dhammaato bartamaha bisha May ee sanadkan, iyadoo khilaafka ugu weyn uu weli salka ku hayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doona.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

12 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.