• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka somaaliya Oo Go’aan Ka Gaaray Casuumaadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Golaha
Share

Wararka24: 24-01-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay isku raaceen in ay ka qeybgalaan gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, kulanka ayaa lagu go’aamiyay in la aqbalo casuumaadda Dowladda Federaalka, iyadoo la filayo in Golaha Mustaqbalka uu maanta soo saaro go’aan rasmi ah oo ku saabsan ka qeybgalka shirka.

Tan iyo markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay gogosha wadatashiga qaran, isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa wajahayay cadaadis siyaasadeed oo uga imaanayay wakiillada beesha caalamka, kuwaas oo ku boorriyay in ay qaataan wada-hadal si loo helo xal siyaasadeed.

Wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa kulamo gaar ah la yeeshay xubnaha Golaha Mustaqbalka somaliyeed, iyaga oo si cad uga dalbaday in ay aqbalaan casuumaadda dowladda, una arkaan wada-hadalka mid lama huraan u ah xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wakiilladaasi ayaa adkeeyay in xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay, si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, isaga oo casuumaad u diray madaxda iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale casuumaad rasmi ah u dirtay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Sida lagu shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, shirweynaha wadatashiga qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho 1-da bisha Febraayo 2026.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay wajaheyso loollan siyasadeed, maadaama muddada xil-heynta hay’adaha dowladda lagu wado inay dhammaato bartamaha bisha May ee sanadkan, iyadoo khilaafka ugu weyn uu weli salka ku hayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doona.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.