Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo soo geba-gebeyneysa doodda aqoonsiga Somaliland

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uusan xallin doonin caqabadaha siyaasadeed ee jira, isaga oo ku dooday in xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay Somaliland sheegato…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 7, 2026, 11:55 am EAT
Reading Time: 3 mins read
DF oo soo geba-gebeyneysa doodda aqoonsiga Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uusan xallin doonin caqabadaha siyaasadeed ee jira, isaga oo ku dooday in xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay Somaliland sheegato ay ka duwan tahay sawirka loo bandhigo beesha caalamka.

Maqaal uu ku daabacay warbaahinta Al Jazeera ayuu Cali Balcad ku sheegay in xuduudaha ay Somaliland ku saleyso dalabkeeda aqoonsi aysan ka tarjumeyn xaqiiqada siyaasadeed ee maanta ka jirta dhulkaas. Wuxuu sheegay in muranka ku saabsan maamulka iyo metelaadda siyaasadeed uu weli ka jiro qaybo kamid ah deegaannada ay Somaliland maamusho.

Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay xaaladaha ka jira gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isaga oo tilmaamay in khilaafaadka iyo murannada siyaasadeed ee halkaas ka jira ay muujinayaan in aysan jirin aragti mideysan oo ku saabsan maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay in arrintan ay qayb ka tahay doodda ku saabsan sharciyadda iyo aqbalaadda maamulkaasi.

Sidoo kale, Cali Balcad ayaa tilmaamay in gobolka Awdal ay ka jiraan cabashooyin la xiriira metelaad siyaasadeed iyo awood qeybsiga. Sida uu sheegay, doodaha iyo aragtiyada kala duwan ee ka jira gobolladaasi waxay muujinayaan in xaaladda gudaha aysan ahayn mid si buuxda u mideysan.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay doodda la xiriirta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, isagoo sheegay in doorashooyinka keliya aysan ku filneyn qiimeynta xaalada siyaasadeed. Wuxuu ku dooday in xasilloonida waarta ay u baahan tahay ka qaybgal bulsho, is afgarad siyaasadeed iyo taageero ballaaran oo ka timaadda bulshada deegaanka.

Maqaalkan ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa mowqifkeeda ah in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana ay tahay in wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed.

Hadallada Cali Balcad ayaa muujinaya dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in ay beesha caalamka u bandhigto aragtideeda ku saabsan xaaladda Somaliland, xilli doodda la xiriirta mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland ay weli ka mid tahay arrimaha ugu waaweyn ee ka taagan Geeska Afrika.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

24 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.