Wararka24: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uusan xallin doonin caqabadaha siyaasadeed ee jira, isaga oo ku dooday in xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay Somaliland sheegato ay ka duwan tahay sawirka loo bandhigo beesha caalamka.
Maqaal uu ku daabacay warbaahinta Al Jazeera ayuu Cali Balcad ku sheegay in xuduudaha ay Somaliland ku saleyso dalabkeeda aqoonsi aysan ka tarjumeyn xaqiiqada siyaasadeed ee maanta ka jirta dhulkaas. Wuxuu sheegay in muranka ku saabsan maamulka iyo metelaadda siyaasadeed uu weli ka jiro qaybo kamid ah deegaannada ay Somaliland maamusho.
Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay xaaladaha ka jira gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isaga oo tilmaamay in khilaafaadka iyo murannada siyaasadeed ee halkaas ka jira ay muujinayaan in aysan jirin aragti mideysan oo ku saabsan maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay in arrintan ay qayb ka tahay doodda ku saabsan sharciyadda iyo aqbalaadda maamulkaasi.
Sidoo kale, Cali Balcad ayaa tilmaamay in gobolka Awdal ay ka jiraan cabashooyin la xiriira metelaad siyaasadeed iyo awood qeybsiga. Sida uu sheegay, doodaha iyo aragtiyada kala duwan ee ka jira gobolladaasi waxay muujinayaan in xaaladda gudaha aysan ahayn mid si buuxda u mideysan.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay doodda la xiriirta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, isagoo sheegay in doorashooyinka keliya aysan ku filneyn qiimeynta xaalada siyaasadeed. Wuxuu ku dooday in xasilloonida waarta ay u baahan tahay ka qaybgal bulsho, is afgarad siyaasadeed iyo taageero ballaaran oo ka timaadda bulshada deegaanka.
Maqaalkan ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa mowqifkeeda ah in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana ay tahay in wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed.
Hadallada Cali Balcad ayaa muujinaya dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in ay beesha caalamka u bandhigto aragtideeda ku saabsan xaaladda Somaliland, xilli doodda la xiriirta mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland ay weli ka mid tahay arrimaha ugu waaweyn ee ka taagan Geeska Afrika.


















