Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Israa’iil aysan joogi doonin Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin in Israa’iil ay saldhig ama saameyn siyaasadeed ku yeelato dhulka Soomaaliya, isaga oo xusay in mowqifka Soomaaliya uu waafaqsan yahay taageerada ay u…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 2:20 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Israa’iil aysan joogi doonin Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin in Israa’iil ay saldhig ama saameyn siyaasadeed ku yeelato dhulka Soomaaliya, isaga oo xusay in mowqifka Soomaaliya uu waafaqsan yahay taageerada ay u hayso qadiyadda Falastiin.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo, isagoo ka hadlay wararka la xiriira xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil. Wuxuu sheegay in dhaqanka, diinta iyo taariikhda Soomaalida aysan oggolaaneyn in Israa’iil ay saameyn kulahata somaaliya.

“Annaga iyo Israel waxba nagama dhexeeyaan. Israel laguma aqoon geyiga Soomaaliyeed, mana joogeyso haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Somaliland in la xoojiyo wada-hadallada iyo isfahamka, isaga oo tilmaamay in dadka Somaliland ay yihiin walaalo Soomaaliyeed oo ay tahay in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan siyaasadeed iyo wadahadal.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo midnimada dalka iyo mowqifka Soomaaliya ee arrimaha dibadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo midnimada qaranka.

Hadallada madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelan karto dalal kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsaneyn heshiisyo ama xiriirro diblomaasiyadeed oo ay Somaliland la gasho dowlado shisheeye.

Soomaaliya ayaa muddo dheer taageero u muujinaysay shacabka Falastiin, iyadoo mowqifkeeda diblomaasiyadeed uu salka ku hayo taageerada xal nabadeed oo ku dhisan qawaaniinta caalamiga ah iyo xaqa shacabka Falastiin ay u leeyihiin dowlad madax-bannaan.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku saabsan hadallada ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya ee la xiriira xiriirka lagu sheegay inuu kala dhexeeyo Israa’iil.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.