• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Israa’iil aysan joogi doonin Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Israa’iil aysan joogi doonin Soomaaliya
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin in Israa’iil ay saldhig ama saameyn siyaasadeed ku yeelato dhulka Soomaaliya, isaga oo xusay in mowqifka Soomaaliya uu waafaqsan yahay taageerada ay u hayso qadiyadda Falastiin.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo, isagoo ka hadlay wararka la xiriira xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil. Wuxuu sheegay in dhaqanka, diinta iyo taariikhda Soomaalida aysan oggolaaneyn in Israa’iil ay saameyn kulahata somaaliya.

“Annaga iyo Israel waxba nagama dhexeeyaan. Israel laguma aqoon geyiga Soomaaliyeed, mana joogeyso haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Somaliland in la xoojiyo wada-hadallada iyo isfahamka, isaga oo tilmaamay in dadka Somaliland ay yihiin walaalo Soomaaliyeed oo ay tahay in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan siyaasadeed iyo wadahadal.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo midnimada dalka iyo mowqifka Soomaaliya ee arrimaha dibadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo midnimada qaranka.

Hadallada madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland la yeelan karto dalal kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsaneyn heshiisyo ama xiriirro diblomaasiyadeed oo ay Somaliland la gasho dowlado shisheeye.

Soomaaliya ayaa muddo dheer taageero u muujinaysay shacabka Falastiin, iyadoo mowqifkeeda diblomaasiyadeed uu salka ku hayo taageerada xal nabadeed oo ku dhisan qawaaniinta caalamiga ah iyo xaqa shacabka Falastiin ay u leeyihiin dowlad madax-bannaan.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku saabsan hadallada ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya ee la xiriira xiriirka lagu sheegay inuu kala dhexeeyo Israa’iil.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.