• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Guddoomiyaha Ururka Haweenka oo ka hadashay Gabadhii lagu dhibaateeyay Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Guddoomiyaha Ururka Haweenka oo ka hadashay Gabadhii lagu dhibaateeyay Muqdisho
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho kaga hadashay kiiska gabadh yar oo lagu dhibaateeyay goob fagaare ah oo lagu soo dhaweynayay qof caan ka ah baraha bulshada oo dib ugu soo laabtay caasimadda. Muuqaalka gabadha yar oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayo wiilal dhalinyaro ah oo ku xadgudbayo gabadha, waxaana ka dhashay caro xoogan.

Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in dadaallo lagu raadinayay gabadha aysan weli guuleysan. Waxay tilmaantay in hay’adaha ay khuseyso ay baadi-goob ku sameeyeen meelo kala duwan, balse aan wali la helin gabadhaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadaasi ay u muuqato mid u baahan baaritaan dheeraad ah, iyadoo xustay in laamaha ammaanka iyo hay’adaha garsoorka looga baahan yahay inay xaqiiqda dhacdada si buuxda u ogaadaan.

Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid bulshada Soomaaliyeed, kaddib markii muuqaal muujinaya gabadh lagu xadgudbayo uu si weyn ugu faafay baraha bulshada. Dad badan ayaa dalbaday in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug lahayd falkaasi.

Dhanka kale, ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa weli wada baaritaanno la xiriira dhacdada, iyagoo baadi-goobaya shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falka. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo dambigaasi la horgeyn doono sharciga.

Sidoo kale, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa xaqiijisay inay waddo baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo lagu caddeeyo inuu door ku lahaa tacaddiga loo geystay gabadha.

Kiiskan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka, iyadoo bulshada rayidka ah iyo ururrada haweenka ay ku baaqayaan in la xaqiijiyo caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta.


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.