
Wasiirka Haweenka Somaliya Khadija Al Makhzumi ayaa maanta sheegtay in Gabdhaha Soomaliyed inta badan lagu qabo qudbo-sirro, in sida laisku guursadana aysan wax dhibaato lahayn balse wasiirada ayaa sheegtay inay muhimtahay is duwaan galinta, dhamaanta dadka is guursanaya mid qudbo-siro ah iyo kuwa kale ee lawada og-yahayba Daawo
Wasiirada ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dhamaan sheekh-yada dagmooyinka wax mahriya dhan lasiiyo warqad sharci ah, oo la ogayahay lagana hortago, gabdhaha uu qof walba iska mehrinaayo.
Sidookale wasiirada ayaa kudartay in laga dhigo war-qada culimada mid sanadle ah, degmo kastana laga jaro, taasna aduunka dhan ay ka jirto, dumarka soomaliyeed marki laguursado warqad lama siiyo, marki lafurana warqad lama siiyo ayey kudartay, Khadija Al Makhzumi Wasiirka Haweenka.