Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa booqday xarunta Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill, halkaas oo uu kula kulmay xubno ka tirsan Senate-ka iyo Golaha Wakiillada Mareykanka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay wafdiga Madaxweynaha iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin John Rose oo laga soo doorto Tennessee iyo John Moolenaar oo laga soo doorto Michigan. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.
Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray amniga, iskaashiga istiraatiijiga ah, ganacsiga, maalgashiga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland iyo doorka ay ku leedahay amniga Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Cirro ayaa sheegay in goobta ay Somaliland ku taallo ay muhiim u tahay ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo danaha istiraatiijiga ah ee Mareykanka. Wuxuu tilmaamay in Somaliland ay dooneyso iskaashi ku saleysan dano-wadaag iyo natiijooyin la taaban karo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ballaariyo iskaashiga dhinaca amniga, la kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka, isla markaana la xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dhinac.
Cirro oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Mareykanka ayaa sidoo kale booqday National 9/11 Pentagon Memorial, oo lagu xuso dadkii ku dhintay weerarradii argagixiso ee 11-kii Sebtembar 2001 ka dhacay Mareykanka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa xusay dhibbanayaashii weerarrada, isagoo muujiyay taageerada Somaliland ee dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Kulamada iyo booqashooyinka uu Cirro ku sameeyay Mareykanka ayaa qeyb ka ah dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay ku xoojiso xiriirrada ay la leedahay Washington, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah







