Wararka24: Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor ayaa gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil amni.
Sarkaalka la qabtay ayaa lagu magacaabaa Salaad Cusmaan Macalin, oo 40 jir ah, waxaana laga soo qabtay deegaanka Mubaarak ee isla gobolkaas.
Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan uu ka tirsanaa qaybaha Al Shabaab ee qaabilsan basaasidda iyo qorsheynta weerarrada lagu qaado xeryaha iyo saldhigyada ciidamada dowladda.
Qabashada sarkaalkan ayaa la sheegay inay ka dambeysay xog uruurin muddo socotay, isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa isku dubaridka weerarro ka dhan ah goobaha muhiimka ah.
Ciidamada ayaa tilmaamay in tallaabadan ay dhabar jab ku tahay shabakadaha basaasidda ee kooxda Al Shabaab.
Dhinaca kale, ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal kale ka fuliyay bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.
Weerarkaasi ayaa ka dhacay deegaanka u dhexeeya Yasooman iyo Moqokori, waxaana la sheegay in lagu gubay gaari ay wateen maleeshiyaadka, laguna dilay dhammaan dadkii saarnaa.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka socda gobollada dalka.


















