Wararka24: Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.
Howlgalka ayaa sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka, Danab aya howlgalka fuliyay iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah. Ciidamada ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlaneyd diyaarinta iyo dhigista miinooyin.
Taliska ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay koox miinooyin diyaarinaysay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qaraxyada u diyaarinayeen in lagu beegsado waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka shacabka iyo dadka safarka ah.
Warbixinta ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalka, iyadoo ciidamadu ay baahiyeen sawirro laga qaaday goobta. Sawirrada ayaa muujinaya burbur ka dhashay howlgalka, inkastoo tirada saxda ah ee dhimashada aan si faahfaahsan loo shaacin.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, isla markaana laga hortago qaraxyada lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka deegaanka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan deegaanno kala duwan, iyadoo ciidamada Danab ay inta badan fuliyaan howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay taageeran dhinaca sirdoonka iyo saaxiibada caalamiga ah.
Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ujeedkoodu yahay xoojinta amniga iyo fududeynta isu socodka shacabka.








