Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidanka Danab oo weeraray shabakad qaraxyada diyaarisa oo tirsan Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 7, 2026, 1:39 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ciidanka Danab oo weeraray shabakad qaraxyada diyaarisa oo tirsan Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow, gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Howlgalka ayaa sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka, Danab aya howlgalka fuliyay iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah. Ciidamada ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlaneyd diyaarinta iyo dhigista miinooyin.

Taliska ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay koox miinooyin diyaarinaysay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qaraxyada u diyaarinayeen in lagu beegsado waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka shacabka iyo dadka safarka ah.

Warbixinta ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalka, iyadoo ciidamadu ay baahiyeen sawirro laga qaaday goobta. Sawirrada ayaa muujinaya burbur ka dhashay howlgalka, inkastoo tirada saxda ah ee dhimashada aan si faahfaahsan loo shaacin.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, isla markaana laga hortago qaraxyada lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan deegaanno kala duwan, iyadoo ciidamada Danab ay inta badan fuliyaan howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay taageeran dhinaca sirdoonka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ujeedkoodu yahay xoojinta amniga iyo fududeynta isu socodka shacabka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.