Wararka24: Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.
Cali Wajiis oo qoraal soo saaray ayaa marka hore amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu horumar ka sameeyay dhismaha awoodda qaranka iyo dowladnimada Soomaaliya.
“Madaxweyne Xasan waa dhisay awood qaran oo xoog leh, waxaa dhiman inuu qabto doorasho deggan, weyna soo socotaa insha Allah,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay is xakameeyaan, kana fogaadaan hadallo kicin kara xiisad ama colaad siyaasadeed oo sii hurisa xaaladda Muqdisho.
“Waxaan ugu yeereynaa mas’uuliintu inay koontoroolaan erayada shacabka loo sheegayo lagana fogaado erayada colaad abuurka ee la’isugu jawaabayo aaladaha warbaahinta iyo baraha bulshada,” ayuu yiri.
Cali Wajiis ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu arkayay warbaahinta, isaga oo ka hadlaya arrimaha siyaasadda iyo amniga, isla markaana taageero u muujinaya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, kuwaas oo salka ku haya muranka doorashooyinka, muddo xileedka dowladda iyo khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.
Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradka ay isku mari la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.


















