Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cali Wajiis Oo Xasan Sheekh Ka ugu baaqay inuu qabto Doorasho Deggan

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 5:35 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Cali Wajiis Oo Xasan Sheekh Ka ugu baaqay inuu qabto Doorasho Deggan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Cali Wajiis oo qoraal soo saaray ayaa marka hore amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu horumar ka sameeyay dhismaha awoodda qaranka iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan waa dhisay awood qaran oo xoog leh, waxaa dhiman inuu qabto doorasho deggan, weyna soo socotaa insha Allah,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay is xakameeyaan, kana fogaadaan hadallo kicin kara xiisad ama colaad siyaasadeed oo sii hurisa xaaladda Muqdisho.

“Waxaan ugu yeereynaa mas’uuliintu inay koontoroolaan erayada shacabka loo sheegayo lagana fogaado erayada colaad abuurka ee la’isugu jawaabayo aaladaha warbaahinta iyo baraha bulshada,” ayuu yiri.

Cali Wajiis ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu arkayay warbaahinta, isaga oo ka hadlaya arrimaha siyaasadda iyo amniga, isla markaana taageero u muujinaya dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, kuwaas oo salka ku haya muranka doorashooyinka, muddo xileedka dowladda iyo khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradka ay isku mari la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

4 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

4 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.