Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha gobolka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ka tarjumayo dadaallo diblomaasiyadeed oo miro dhal ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Soomaaliya ayaa bogaadisay labada dhinac ee gaaray heshiiska, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay is-xakamayn iyo wadahadal si xal nabadeed loogu helo khilaafaadka.
Dowladda ayaa sidoo kale u mahadcelisay dalalka ka qeyb qaatay dhexdhexaadinta, oo ay ka mid yihiin Pakistan, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar.
Waxay hoosta ka xariiqday in hirgelinta heshiiskaasi ay muhiim u tahay amniga marin-biyoodka iyo xasilloonida dhaqaalaha caalamka.
Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sii wado wadahadallada si loo gaaro nabad waarta oo ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.
Dowladda Federaalka ayaa mar kale caddeysay inay diyaar u tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu dhimayo xiisadaha laguna xoojinayo nabadda.


















