Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cabdiraxmaan Cirro oo farriin adag u diray Xasan Sheekh iyo Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa farriin culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Djibouti, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 4:12 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Cabdiraxmaan Cirro oo farriin adag u diray Xasan Sheekh iyo Jabuuti
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa farriin culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Djibouti, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Cirro oo ka hadlay munaasabadda Eid al-Adha ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna ku xadgudbin, balse ay wajahday cadaadis iyo waxa uu ku tilmaamay cadaawad kaga timid dalal dhowr ah.

“Waxaad ka war qabtaan in dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, laakiin innagu waxba uma aynaan gaysan,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku dhisan tahay daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, gaar ahaan xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan nabadda, daris wanaagga iyo ixtiraamka dowladaha jaarka,” ayuu yiri.

Cirro ayaa sidoo kale si toos ah farriin ugu diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamud, isaga oo sheegay in Somaliland aysan hadda kali ku ahayn loollanka siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ee gobolka.

“Xasan Sheekh waxaan leeyahay haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysataan, Somaliland kali ma aha. Idinkana waanu isaga kiin filanahay,” ayuu yiri Cirro.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kadib qorshaha Somaliland ee ku aaddan xiriirka ay la sameyneyso Israa’iil iyo hadallada la xiriira furitaanka safaarad laga hirgelinayo magaalada Qudus.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay si adag uga hadlay tallaabadaas, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin in qayb kamid ah Soomaaliya ay xiriir noocaas ah la sameyso Israa’iil, gaar ahaan arrimaha la xiriira magaalada Qudus.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa xilli Somaliland ay dardar gelisay dadaallada ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

20 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

21 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.