• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cabdiraxmaan Cirro oo farriin adag u diray Xasan Sheekh iyo Jabuuti

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Cabdiraxmaan Cirro oo farriin adag u diray Xasan Sheekh iyo Jabuuti
Share

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa farriin culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Djibouti, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Cirro oo ka hadlay munaasabadda Eid al-Adha ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna ku xadgudbin, balse ay wajahday cadaadis iyo waxa uu ku tilmaamay cadaawad kaga timid dalal dhowr ah.

“Waxaad ka war qabtaan in dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, laakiin innagu waxba uma aynaan gaysan,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku dhisan tahay daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, gaar ahaan xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan nabadda, daris wanaagga iyo ixtiraamka dowladaha jaarka,” ayuu yiri.

Cirro ayaa sidoo kale si toos ah farriin ugu diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamud, isaga oo sheegay in Somaliland aysan hadda kali ku ahayn loollanka siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ee gobolka.

“Xasan Sheekh waxaan leeyahay haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysataan, Somaliland kali ma aha. Idinkana waanu isaga kiin filanahay,” ayuu yiri Cirro.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kadib qorshaha Somaliland ee ku aaddan xiriirka ay la sameyneyso Israa’iil iyo hadallada la xiriira furitaanka safaarad laga hirgelinayo magaalada Qudus.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay si adag uga hadlay tallaabadaas, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin in qayb kamid ah Soomaaliya ay xiriir noocaas ah la sameyso Israa’iil, gaar ahaan arrimaha la xiriira magaalada Qudus.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa xilli Somaliland ay dardar gelisay dadaallada ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.