Wararka24: Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa haatan martigelineysa kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo xooggan, kadib isbeddelkii ku yimid hoggaanka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulamo ka bilaabay magaalada, isagoo la tashiyo la sameynaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada, iyadoo hoggaamiyaha uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda xasilloonida.
Jibriil ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka doorkooda, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo horumarka.
Dhankooda, odayaasha ayaa ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan maamulka si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.
Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa ku sugan madax sare oo dowladda ka tirsan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil amni, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya wada tashiyada socda.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in magaalada laga qabto doorasho lagu soo dhisayo baarlamaan iyo hoggaan cusub.
Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid degan, inkastoo ay socdaan diyaargarowyo siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed.
























