Wararka24: 3-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii soo saartay bayaan ay si kulul ugu cambaareysay weerarradii ay Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka, balse bayaankaas ayaa hadal-hayn abuuray kadib markii si cad looga reebay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa war-saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga ku sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar, Kuweyt, Urdun, Baxreyn iyo Cumaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dalalkaas ku taageertay tallaabooyinka sharciga ah ee ay u qaadayaan difaacidda madax-bannaanidooda iyo sugidda amniga shacabkooda.
Bayaanka ayaa weerarrada lagu beegsaday dalalkaas ku sifeeyay xadgudubyo ka dhan ah madaxbannaanidooda iyo xasilloonida gobolka. Si kastaba, magaca Imaaraadka laguma darin liiska dalalka la garab istaagay, arrintaas oo dhalisay falcelin iyo su’aalo la xiriira mowqifka rasmiga ah ee Muqdisho.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isla maalintaas ku dhawaaqday inay xirtay safaaraddeedii ku taallay Tehran, isla markaana ay kala soo baxday safiirkeedii iyo shaqaalihii diblomaasiyadeed, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay jawaab ka dhalatay weerarro lagu beegsaday dhulkeeda.
Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid kacsan. Dowladda Federaalka ayaa horraantii sanadkan burisay heshiisyo la xiriiray iskaashi amni iyo maamul dekedo, iyadoo ku eedeysay Abu Dhabi falal wax u dhimaya madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraadka oo si toos ah uga jawaabaya ka-reebitaankeeda bayaanka Muqdisho, iyadoo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dhinac ay weli taagan tahay.


















