Muqdisho – Khubarada amniga ayaa ka digay in Dowlada Soomaaliya ay khatar weyn ku soo wajahan tahay haddii aan si degdeg ah loo dhisin ciidan badeed qaran oo mideysan, si heer sare ahna loo tababaray, loona adkeeyo qalab ahaan.
Warbixin cusub ayaa muujisa in awoodda ciidamada badda ee Soomaaliya ay aad u hooseyso, iyadoo weli ka jirta baahi weyn oo loo qabo hub casri ah, qalab difaac, iyo adeegyo farsamo oo muhiim u ah ilaalinta xeebaha dalka soomaliya.
Sida ay sheegeen khubarada, waxaa jira caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin kala fogaanshaha siyaasadeed iyo is-faham la’aanta u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, taas oo dib u dhigtay dhismaha ciidan badeed oo awood leh.
Dalka deriska la ah sida Itoobiya iyo Kenya ayaa horumar muuqda ka sameeyay dhanka awoodda milateri, halka Soomaaliya ay weli ku jirto liiska dalalka ugu liita dhinaca awoodda difaaca guud ahan dalka soomaliya.
Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, waxaa laga cabsi qabaa in ay soo kordhaan khataro ay ka mid yihiin burcad-badeednimo, weerarro xeebeed iyo faragelin shisheeye. Khubaradu waxay ku taliyeen in la dhiso ciidan badeed si wanaagsan loo maalgeliyo, lehna tababar tayo leh iyo hoggaan mideysan, si loo xaqiijiyo amniga badda Soomaaliyeed.