• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, March 25, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo ubaxay safar dibadeed, Sababta iyo Faahfahin dheerad ah

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
10 months ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe

Wararka Ugu Aqrintabadan

Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

7 hours ago
Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

14 hours ago
Load More
Share

Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay booqasho rasmi ah oo socon doonta dhowr maalmood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Socdaalkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo abaabul siyaasadeed oo uu kaga jawaabayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ilo wareedyo ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kulamo la yeelan doono xubno ka tirsan beesha caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo halkaas ku sugan.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa lagu sheegay in ay tahay in Axmed Madoobe uu taageero u raadsado mowqifkiisa ku aaddan muranka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo si weyn u sii xoogeysanaya tan iyo markii la soo gabagabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo madax sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, si uu ugala hadlo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saakay ka ambabaxay xarunta kumeel gaarka ah ee Kismaayo oo ay diyaarad gaar ah ka qaaday, isago ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe ayaa haatan gaaray heer cusub, iyadoo gobolka Gedo si gaar ah looga dareemayo xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo militari. Dowladda federaalka ayaa la wareegtay inta badan degmooyinka gobolka, marka laga reebo Doolow oo weli gacanta ugu jirta maamulka Jubaland.

Warar hoose ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay maamulka ugu dhiseyso Jubaland, taas oo ay si cad uga muuqatay shirkii Golaha Wadatashiga. Qodob rasmi ah oo kasoo baxay shirkii ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo xil saaray inay talo ka keento arrinta Jubaland, si loo helo hannaan dowlad goboleed sharci ah oo waafaqsan dastuurka dalka.

“Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay keento talooyin sharci ah oo ku saabsan xaaladda Jubaland,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-murtiyeedkii shirka.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac ayaa muddo dheer soo jirtay, waxaana la xasuustaa dhacdooyinkii culus ee ka dhacay magaalada Raaskambooni, halkaas oo ay ciidamada dowladda guuldarrooyin kala kulmeen dagaal toos ah oo ay la galeen ciidamo daacadda u ah Axmed Madoobe.


Share
Tags: Axmed madoobeMadaxweynaha JubalandNairobi ee dalka Kenya
Previous Post

Kooxda Shabaab oo Isbeddel Cusub la timid, si ay Kalsoonida Shacabka u Kasbato.

Next Post

Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaranimo, diyaar ayaana u nahay xalinta Dhibaatoyinka Soomaaliya kajira, Madaxweyne Cirro

Related Posts

Somaliland

Hoggaamiyaha Somaliland oo Kulan Muhiim ah Yeeshay William Ruto?

by Yasmin Jamal
10 months ago

Nairobi - Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hoggaaminaya maamulka Somaliland ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Kenya, William...

Axmed Madoobe

Axmed Madoobe oo Abaabul Siyaasadeed Ka Bilaabay Nairobi

by Yasmin Jamal
10 months ago

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay abaabul siyaasadeed oo culus, kaas oo...

Jubbaland

Jubbaland oo diiday Qorshe ay wadato hay’ad ka tirsan DF, Dadkeedana ugu digtay

by Abdirahman Dahir
11 months ago

Jubbaland ayaa sheegtay inay aqoonsanayn kaarka hore ee qaranka ee ay bixisay Hay’adda NIRA, isla markaana ku cadaysay...

Load More
Next Post
Somaliland

Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaranimo, diyaar ayaana u nahay xalinta Dhibaatoyinka Soomaaliya kajira, Madaxweyne Cirro

Gabdhaha Soomaliyed

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

aabahay

Anigoo yar ayaa aabahay waxa dilay nin abti u ahaa, Taariikhda Aabe Dhalay Carruur 14.

Recommended

Spain Oo Sharci Deggenaansho Siineysa Kumannaan Muhaajiriin Ah, waxa ka Faa’iideysan Doona qar Soomaali.

Spain Oo Sharci Deggenaansho Siineysa Kumannaan Muhaajiriin Ah, waxa ka Faa’iideysan Doona qar Soomaali.

2 months ago
Daawo: Ra’iisul wasaare Xamse oo ka digay shayaadinta somalia.

Daawo: Ra’iisul wasaare Xamse oo ka digay shayaadinta somalia.

8 months ago
Weerarrada Iiraan oo Mareykanka ku qasbidoona in uu ka laabto dagaalka

Weerarrada Iiraan oo Mareykanka ku qasbidoona in uu ka laabto dagaalka

3 weeks ago
Golaha Wasiirrada Oo Xilkii Ka Qaaday Taliye Odowaa, Mid Cusubna Magacaabay.

Golaha Wasiirrada Oo Xilkii Ka Qaaday Taliye Odowaa, Mid Cusubna Magacaabay.

2 months ago
Xaafadda

Dagaal ka dhacay Garoonka xaafadda Horseed ee degmada Hodan

7 months ago
Imaaraadka Carabta oo hakiyay taageeradii amni ee Soomaaliya

Imaaraadka Carabta Oo Joojiyey Taageeradii Amniga Ee Soomaaliya

1 month ago
Beesha Caalamka oo ka xumaatay natiijo la’aanta wada-hadalla ka socda somaaliya

Beesha Caalamka oo ka xumaatay natiijo la’aanta wada-hadalla ka socda somaaliya

4 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.