Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay magaalada Kismayo kadib salaaddii Ciidda si adag ugu weeraray Madaxweyne , Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka somaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 1:22 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Xasan Sheekh
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay magaalada Kismayo kadib salaaddii Ciidda si adag ugu weeraray Madaxweyne , Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka somaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku fashilantay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed, isaga oo sheegay in dowladda dhexe ay lumisay kalsoonidii siyaasadeed ee ay ku lahayd dhinacyada kale ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka hadda jira uu ka baxay wadatashigii iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loogu maamuli jiray arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya.

Khudbaddiisa ayuu si gaar ah ugu dhaliilay qorshaha doorashada qof iyo cod ee ay waddo dowladda federaalka, isaga oo ku tilmaamay hannaan aan weli diyaar u ahayn hirgelin dhab ah, islamarkaana horseedi kara “doorasho dabran” oo horay loogu sii qorsheeyo cidda xilalka qabaneysa.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho, isaga oo sheegay in shacabka qaar laga barakiciyay magaalada, isla markaana uu la wadaagayo walaaca iyo dhibaatada ay wajahayaan dadka ku nool caasimadda.

Wuxuu sidoo kale eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal”, isaga oo sheegay inay jiraan dad sharciyeynaya dhul si sharci darro ah lagu qaatay, arrintaas oo uu sheegay inay khatar ku tahay xasilloonida bulshada.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dib u mideeyo dhinacyada siyaasadda ee dalka, kana tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

21 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

21 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.