• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Xasan Sheekh

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay magaalada Kismayo kadib salaaddii Ciidda si adag ugu weeraray Madaxweyne , Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka somaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku fashilantay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed, isaga oo sheegay in dowladda dhexe ay lumisay kalsoonidii siyaasadeed ee ay ku lahayd dhinacyada kale ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka hadda jira uu ka baxay wadatashigii iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loogu maamuli jiray arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya.

Khudbaddiisa ayuu si gaar ah ugu dhaliilay qorshaha doorashada qof iyo cod ee ay waddo dowladda federaalka, isaga oo ku tilmaamay hannaan aan weli diyaar u ahayn hirgelin dhab ah, islamarkaana horseedi kara “doorasho dabran” oo horay loogu sii qorsheeyo cidda xilalka qabaneysa.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho, isaga oo sheegay in shacabka qaar laga barakiciyay magaalada, isla markaana uu la wadaagayo walaaca iyo dhibaatada ay wajahayaan dadka ku nool caasimadda.

Wuxuu sidoo kale eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal”, isaga oo sheegay inay jiraan dad sharciyeynaya dhul si sharci darro ah lagu qaatay, arrintaas oo uu sheegay inay khatar ku tahay xasilloonida bulshada.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dib u mideeyo dhinacyada siyaasadda ee dalka, kana tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.