• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Bulshada

Anigoo yar ayaa aabahay waxa dilay nin abti u ahaa, Taariikhda Aabe Dhalay Carruur 14.

Amran Mahad by Amran Mahad
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
aabahay
Share

aabahay

Anigoo yar ayaa aabahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu shiray. Waxaa la yidhii dhiggii Xuseen lama illaawi karo. Aniga iyo saddex nin ayaa hub nala siiyey oo naloo sheegay in ninka aabbahay u dhigma uu yahay nin aabahay abti u ahaa. Ninkii gurigiisii ayaan waqti Casar gaab ah nimi. Wuu na gartay oo gogol fiican noo dhigay oo markiiba wan weyn noo qalay.

Dibedda annagoo weli fadhina ayaa roob yimi. Wuxuu noo dhisay aqal laba daryaale ah oo aan roobka ka galno. Xooggii roobka ayaa aqalkii soo dhaafay oo wuu soo darrooray. Wuxuu haddana noo keenay hargo iyo gogol qurxoon oo dusha naga saaray si aan maryuhu nooga qoyin. Dhulku baraago ma lahayn oo biyuhu ma qabsoomayn marka xoolihii ayaa biyihii lagu sii daayey si intaanay dhulka u gelin ay u cabbaan.

Waxaan is nidhi waa waqtigii ugu habboonaa oo aad ninka dili lahaydeen. Anigaa qoriga xabbaddu iigu jirtaa oo qorshuhu ahaa inaan gacanta lahaado. Markaan soo kacnay ayaan idhi “War ma ninka darroor noo quudhi waayey ayaan xabbad quudhnaa, haddaanse dilo, aabahay ma ii soo noolaanayaa!” Nin ayaa igu yidhi nacasnimada awalba waa kugu ogaa. Nin kalena wuxuu yidhi mayee wallaahi adigaa naga caqli badan. Aqalkii ayaan ku noqonnay.

Casho iyo hurdo wanagsan ka dib, subixii ayuu caano geel na siiyey. Waagaas shaah lama aqoon. Waan u tegey oo waxaan idhi awal waxaan u socdey inaan ku dilo oo qoriga xabbadu waa iigu jirtey. Laakiin markaad darroortii noo quudhii weydey ayaan annaguna xabaddii kuu quudhi weyney. Hadda waxaan doonayaa inaad gabadh i siiso oo aad aabbe ii noqotid. Wuu i dhunkaday oo gabadh markaa labo jir ahayd i yidhii waa ku siiyey.

Markaan guryihii ku noqonnay dadkii na soo diray waa nagu raaceen in sida aan yeelnay ka fiican tahay dilkii. Gabadhii markay 17 sano jirsatay ayaan is guursannay. Waxay ii dhashay 14 carruur ah.”

*Waa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo cimrigiisa ku dhammaystay inuu nabad ka shaqeeyo. 10-May-2019kii ayuu ku geeriyooday Hargeysa. Ilaahay ha u naxariisto.

XIGASHO: Abdirizak Atosh


Share
Tags: Cabdi WaraabeXaaji Cabdikariim Xuseen
Previous Post

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

Next Post

Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Amran Mahad

Amran Mahad

Related Posts

Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

by Yasmin Jamal
August 15, 2025

Xiis Xarago oo ka hadlaysay “live” TikTok ayaa ku eedeysay fannaan Nimcaan Hilaac in uu ka doortay baasaboor...

Haweeney

Arin Naxdinleh: Haweeney qiratay inay 22 sano gudahood ku dishay 11 nin oo qabay.

by Yasmin Jamal
August 13, 2025

Haweeney u dhalatay Iran oo 56 sano jir ah ayaa maanta la hor-keenay maxkamad ku taalla dalka Iran,...

Daawoyinka ilmaha

Daawoyinka ilmaha lagu rido oo Dhibaato weyn ku Reeba 11% Dumarka. Sababta?

by Yasmin Jamal
July 10, 2025

Baaritaan cusub ayaa muujiyay in daawada mifepristone ee ay dumarka u isticmalan in ilmaha uurka iska-ridaan ay dhibaato...

Gabdhaha Soomaliyed

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

by Amran Mahad
May 18, 2025

Wasiirka Haweenka Somaliya Khadija Al Makhzumi ayaa maanta sheegtay in Gabdhaha Soomaliyed inta badan lagu qabo qudbo-sirro, in...

Roobab

Daawo warbixinta: Roobab mahiigaan ah oo khasaare Dhimasho geystay ayaa ka da’ay magaalada Muqdisho

by Sajid Ahmed
May 10, 2025

Sawirada qasaaraha wadoyinka burburay ee manta 10/05/2025 Roobab mahiigaan ah oo habeenkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa...

Sirta Dareenka

Arimaha Bulshada: Baro Sirta Dareenka Gabadha Xilliga Gogosha

by Amran Mahad
March 22, 2025

Dareenka gabadha xilliga gogosha waa arrin muhiim ah oo u baahan faham iyo dulqaad. Waxaa jira dhowr qodob...

Next Post
Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka oo Ka Doodaysa Go'aanno Muhiim ah oo Ku Saabsan Soomaaliya

Macawiisleyda

Ciidamo Macawiisley ah oo Si Khaldan Loogu Duqeeyay Shabeellaha Dhexe

Recommended

Ciidamada Dowladda

Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda oo Weerar Ku Qaaday Al-Shabaab Shabeellaha Dhexe

3 months ago
Manta Paris Boorsada Jane Birkin oo $10.1 Milyan Lagu iibsaday?

Manta Paris Boorsada Jane Birkin oo $10.1 Milyan Lagu iibsaday?

1 month ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

4 months ago
Shabaab

Shabaab oo weerar dhimasha iyo dhaawac leh ku Qaaday dalka kenya, + faahfaahin

5 months ago
Gabdhaha Soomaliyed

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

3 months ago
Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye

WAR DEGDEG AH: Firdhiye oo Magacaabay Taliye Cusub Ciidanka SSC-Khaatumo?

1 month ago
Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Buqdhaarkeyn?

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.