Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo sarkaal u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay sarkaal ka tirsan ciidamada, kaas oo lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay maxbuus ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib markii muuqaal muujinaya falkaasi lagu faafiyay baraha bulshada. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 6, 2026, 10:22 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo sarkaal u xirtay tacaddiga maxbuus Shabaab ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay sarkaal ka tirsan ciidamada, kaas oo lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay maxbuus ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib markii muuqaal muujinaya falkaasi lagu faafiyay baraha bulshada. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay saacado gudahood markii muuqaalka la baahiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalka hadda wajahayo tallaabo sharci ah, isla markaana maxkamad la horgeyn doono. Wuxuu tilmaamay in dowladda aysan oggolayn in qof maxbuus ah, xitaa haddii uu ka tirsan yahay koox hubeysan, loo geysto jirdil ama fal ka baxsan sharciga.

“Shabaab oo xabbad wata, dadka dilaya oo dadkeenna dhibaateynaya, waxaan oggolnahay in sharciga hortiisa la keeno,” ayuu yiri Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in aan loo bannaanayn in maxbuus lagu ciqaabo ama lagu dhibaateeyo qaab wax u dhimaya karaamadiisa iyo xuquuqdiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in dhacdadan ay dowladda ka qaadday tallaabo degdeg ah, kadib markii muuqaalka falka uu soo galay baraha bulshada. Sida uu sheegay, sarkaalka ayaa la qabtay saacado kaddib, iyadoo dowladda ay qorsheyneyso in kiiska loo gudbiyo maxkamadda si waafaqsan sharciga.

Dhanka kale, Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay waddo dadaallo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada ay ciidamada fulinayaan howlgallada milatari. Wuxuu xusay in arrintan ay si gaar ah muhiim uga tahay deegaannada ay ka socdaan dagaallada lagula jiro kooxaha hubeysan.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay howlgallo dhawaan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu sheegay inay waxyeello kasoo gaartay qaar ka mid ah beeraha. Wuxuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay ilaaliyaan shacabka iyo hantidooda, oo ay ku jiraan beeraha iyo guryaha.

“Waxaan ka hadlaynaa in dhirta la ilaaliyo, beeraha iyo hantida dadka la ilaaliyo, laakiin waxa intaas ka horreeya waa in insaanka la ilaaliyo,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda ayaa sheegtay inay arrimaha ilaalinta rayidka iska kaashanayaan hay’adaha dowladda, ciidamada iyo hay’adaha caalamiga ah. Sida uu wasiirku sheegay, waxaa la sameeyay hannaan wada shaqeyn ah oo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah iyo dhowrista xuquuqda aadanaha xilliyada colaadaha.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.